LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Taariikhda Cali mahdi maxamed , madaxwaynihii afaradee Soomaliya

 




Cali Mahdi maxamed: Hoggamiyihii Afraad ee Soomaliya iyo Hoggaamiyiye xili Adag



Hordhac

Cali Mahdi Maxamed (1938_2021) Waxa uu kamid ahaa siyaasintii ugusamaynta badnaa Somaliya xiliyada adkaa ee burburka. Wuxuu ahaa madaxwaynihii afarade Somaliya, asagoo xilka hayay intii udhaxaysay 1991 ilaa 1997. Wuxuu xukunka qabtay waqti ay somaliya ay kujirtay burbur  siyaasadeed iyo dagalo sokeye, asagoo sameyay iskudayo nabadeed oo laguso celinayo xsilonida dalka.

 

Nolasha hore iyo Asalka

Cali Mahdi maxamed wuxuu kudhashay 1938 deegaan kuyaalla gobolka shabeellaha Dhaxe. Wuxuu ku sobarbaaray deegaan ku tiirsan wax_soo_saarka beeraha iyo ganacsiga, taas oo qaabaysay fahamkiisa ku aaddan bulshada somaaliyeed Intii uu ku jiray nolashiisii hore, Wuxuu ahaa ganacsade guulaystay kahor inta usan siyaasadda ku biirin.

Soo Loollanka madaxwayninimada

Bishii janaayo 1991, Cali Mahdi maxamed wuxuu madaxweyne u noday soomaliya kaddib markii taliska maxamed siyaad barre laga tuuray xukunka. Xilkiisa wuxuu kusoo beegmay waqti ay sii xoogeysanayeen dagaallada sokeeye iyo kala qeybsanaanta qabiilada.

Hogaamintisa lama wada aqoonsaneyn, maadama janaraal maxamed faarax caydiid uu diiday maamulka cali Mahdi, taas oo dhalisay dagaalo culus oo kadhacay muqdisho, kuwaas oo sababay dhimashada kumannan qof iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray caasimadda.

Dadaalladii Nabadeed

Inkasa oo aydurufuhu adkaayen, Cali Mahdi maxamed wuxuu xoogga saaray wada_hdal iyo dib_u_heshiisiin Wuxuu ka waxa uu kaqayb qatay shirrar nabaded oo waawayn. Sida kii Addis Ababa ee 1993, oo isku dayay in la isugu keeno koxaha hubaysan. Inkastoo caqabadaha shirarkas lakulmeen hadana waxay dhidibada utaageen geeddi_socod nabadeed oo dambe.

 

 

Caqabadihii Intii uu Xilka hayay

·        Dagaallada qabiilka:Waxaa kudhibaatoday inuu mideyo koxaha iskuhayo dalka,

·        Xaaladaha bani’aadanimo: Xukunkiisa wuxuu kuso beegmay abaar ba’an iyo macaluul, taas oo keentay in haya’adaha caalamiga ah, Qaramada midoobey, ay soo farageliyaan.

·        Aqoonsi La’aamta: Qaar badan oo ka mid ah goballada iyo hoggaamiyasha kale ma aqoonsaneny dowladdiisa, taas oo sii adkeysay xaaladda dalka.

 

Nolosha Dambaysay iyo dhaxalka uu reebay

Cali Mahdi maxamed markii uu xilka kadagay 1997, wuxuu noqday nabadoon kashaqeya dib_u_heshiisiinta iyo hormarinta bulshada, wuxu kujieray dadaalada lagu xalinayay colaadaha, asagoo ahaa hoggamiye ka go’an inuu dalka nabad u horsedo. Geeridisa bishii maarso 2021 waxay astaan utahay dhamaadkii nolashii mid kamkd ah hoggamiyashii  ugu saamaynta badnaa ee xilligii burburka soomaliya.

Gunaanad

Cali Mahdi maxamed wuxuu kamaid ahaa hoggamiyashii u hellanaa soo celinta qaranimada iyo nabada Somaaliya xilli ay jirto kala qaysanan weyn. Inkasta oo dowladdisu lakulantay caqabado waawayn, haddana waxaa laguxasuusta daladii uu ku bixiyay dib_u_heshiisiinta iyo mustaqbalka soomaaliya oo nabdoon

Post a Comment

0 Comments