Maxamed Cabdullaahi:Hoggaamiyihii Qaranimada soomaaliya
Hordhac
Maxamed Cabdullahi Farmaajo waa
madaxwaynihii sagaalad ee Jamhuriyada Fedaraalka Soomaaliya, isagoo xilka hayay
intii udhaxyasay 2017 ilaa 2022. Hoggankiisa waxaa lagu xasuustaa dadaalka uu kubixiyay
xoojinta midnimada qaranka, ladagaalanka musuqmaasuqa, iyo sugidda amniga,
inkastoo ay kamarneen Murano iyo caqabado siyaasadeed..
Nolashii
Hore iyo Waxbarashada
Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu
kudhahasy muqdisho 11-kii maajo 1962, waxana soo barbaariyay qoy siyaasada ku
firfircoon. Waxbarashadiisa sare ayuu ka dhameeyay
Mareekanka,
asagoo ka qaatay jaamacada buffalo shahaadada koobaad ee taarikhda iyo cilmiga
siyaasadda, halkaas oo sidoo kale kadiyaariyay shahadada mastarka ee maamulka
dadweynaha.
Siyaasadda
iyo Xilka Madaxwenaha
Shaqooyinkii
Hore ee Dawliga ahaa
Farmaajo wuxuu howshiisa siyaasadeed
bilaabay sideetameeyadii isagoo asagoo kashaqenayay Wasarada Arimaha Dibada ee
Soomaaliya. Sidoo kale, sanadkii 2010 wuxuu noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waana
xil uu kukasbaday taagero badan. Madaama uu hormuud ka ahaa bixinta musharka
shaqaalaha dowladda iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Doorashadii Madaxweyne iyo Bilowgii
Hogganka
Sanadkii 2017, Maxamed Cabdullahi
Farmaajo ayaa lodortay madaxwaynaha Soomaaliya, taas oo ka dhigan guul u soo
hoyatay isbeddel doonka iyo rajada ah in dawlad wanaag lagu soo celiyo dalka.
Waxqabadkii
Xiligiisa
·
Dib-u-dhiska
Amniga
Farmaajo wuxuu xooga saray sidii loo
adkeyn lahaa hay’adaha amniga qaranka Wuxuu soo celiyay dadaallo
lagu dhisayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Isagoo doonayay in la
yareeyo ku tiirsananta ciidanka AMISOM.
·
La-dagaallanka
musuqmaasuqa
Dwoladiisu waxay ku tillaabsatay
horumar ku aaddan daahfurnaanta maaliyadeed iyo isla xisaabtanka. Waxa soo
kordhisay qaab cusub oo canshuuraha gudaha loo aruuriyo, taas oo yaraysay
dhaqanka musuqmaasuqa ee hay’adaha dowlada.
Midnimada
qaranka
Farmaajo wuxuu ku baaqay midnimo
qaran isagoo isku dayay inuu hagaajiyo xiriirka dowlad-gobaleedyada iyo
doowlada dhexe, inkastoo ay jireen iskudhaco siyaasadeed oo soo noqnoqday.
1.
Dib-u-habanta Dhaaalaha
Dowladiisa
waxay guulo muhiim ah ka gaartay dadaalladii looga dhaafayay deynta caalamiga
ah ee soomaaliya, iyadoo heshiisyo cusub la gashay sanduuqa Lacagta
Addunka (IMF).
2. Madax banaanida Arimaha Dibadda
Farmaajo wuxuu xoogga saaray
madax-banaanida Soomaaliya, isagoo diiday faragalinta shisheeye. Wuxuu kaloo
xoojiyay xiriirka dalalka saaxibada ah sida Turkiga iyo Qadar.
Caqabadaha
xililigiisa
. Kacdoono Siyaasadeed: Waxaa jiray khilaafad siyaasadeed oo u dhexeeysay maamulkiisa iyo dowlad-goboleedyada qaarkood. 2.Khilaafa Dastuuri ah: Go’aankiisi muddo kordhinta sanadkii 2021 ayaa sababay muran iyo iska hor imaadyo gudaha caasimadda Muqdisho Halista Al-Shabaab: Inguulo laga gaaray Al-Shabaab, haddana waxa ahaayeen caqabadda ugu weyn ee dhinaca amniga.
Gunnaanad
Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu
ahaa hoggaamiye ku dheggan qaranimada Soomaaliya. Isagoo dadaal ku bixiyay in
uu kobciyo madax-banaanida dalka iyo in dib loo dhiso hay’adaha dawliga ah.
Inkastoo ay jireen caqabado, hogaankisa waxaa lagu xasuusan doonaa inuu ahaa
midkii isku dayay inuu Soomaaliya gaarsiiyo dowladnimo iyo barwaaqo.
0 Comments