LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

The History of Nabi Aadam (Calayhi Salaam).

 









Nabi Aadam (Calayhi Salaam): Taariikh Nolaleed Qote Dheer

Nabi Aadam (Calayhi Salaam) waa nabi kamid 25-ka nabi ee Qu’aanka lagu xusay. Wuxuu ahaa aabaha ugu  horeeyay ee insaanka iyo kii ugu horreeyay ee Alle ka abuuray bini’aadam si gaar ah. Taariikhdiisu waxay ka bilowgii nolasha insaanka, xaqiiqada abuuritaanka, iyo imtixaannada uu soo maray si uu ugu adeego ujeedka Alle ugu talagalay.









Abuuritaanka Nabi Aadam (Calayhi Salaam)Alle wuxuu ku abuuray Nabi Aadam ciid, isagoo ugu talagalay inuu noqdo abuur gaar ah oo dhamaystiran. Qur’aanka ayaa si qoto dheer uga hadlay arrintaan:

·   Nooca abuuritaanka: Nabi Aadam wuxuu ka abuurmay ciid, mudo dheer kadibna ciidas waxaa loo sameeyay qaab bini’aadam, ka dibna ruux ayaa lagu afuufay (Suuradda saad, 71-72).

·   Sareynta insaanka: Alle wuxuu malaa’igta ku amray inay u sujuudaan Nabi Aadam (Calayhi Salaam), si loo muujiyo sharaftaiyo qiimaha uu insaanku leeyahay (Suuradda Al-Israa 17-70).               

 










Imtixaankii ugu horreeyay: Ibliis oo Diiday Amarka Alle

Maraka Alle uu abuura nabi Aadam, wuxuu malaa’igta ku amray inay u sujuudaan (sujuud qadarin iyo maamuus). Dhamaan malaa’igta way sujuudeen, laakiin Ibliis wuu diiday, isagoo ku andacoonaya in uu ka sareeyo Aadam maaddaama uu isaga ka abuuray dab, halka Nabi Aadam laga abuuray ciid (Suuratu Al-A’raaf, 11-12)

·   Diidmada Ibliis: Ib;iis wuxuu noqday mid kibirsan oo caasiya amarka Alle, taas oo keentay in laga eriyo jannada, loona ballanqaado cadaab (Suuradda Al-A’raaf aayada, 12-13).








Nabi Aadam iyo Xaawa                                                           Alle wuxuu k abuuray xawa feerta Nabi Aadam si uu ugu nodo lamaane iyo raaxo nolasha jannada. Labadoodana waxaa lafaray inay ku noolaadan janada ayna ka faa’idaystaan dhamaan raaxada laga helayo (Suuradda Al-Baqrah aayada, 34-35 laakiin waxaa jirtay geed laga reebay cunidiisa.

·   Talo qabashada Iblis: Ibliis wuxuu isku dayay inuu qiyaameeyo labadooda, isagoo ku sasabay inay cunaan geedka Alle ka reebay cunistiisa (Suuradda, Al-A’raaf aayada, 20-22).

·   Dembiga iyo Ka soo noqoshada: Markay jabibeen amarka Alle, labadooduba waxay ka shalaayeen camalkooda, waxayna ka baryeen Alle inuu cafiyo (Suuradda Al-Baqrah aayada 36-37).


Nabi Aadam Soo Dajintiisii Dhulka

Kadib danbigii janada, Alle wuxuu Nabi Aadam iyo xaawa u soo dejiyey dhulka, halksaas oo loogu sheegay inay ku noolaadaan oo ay ku tarmaan Qu’aanka wuxuu xusay inuu dhulku yahay goob imtixaan iyo camal, si ay bini’aadamku ugu diyaar garoobaan noolasha aakhiro (Suuradda Al-Baqrah aayada, 36).

Fariinta Nabi Aadam (Calayhi Salaam)

Nabi Aadam wuxuu ahaa nabi iyo aabe loogu talagalay inuu ku barbaariyo insaanka cibaado iyo adeecida Alle. Wuxuu ahaa kan ugu horreeyay ee fahamsiiya dadka:

1. Waa maxay ujeedka nolasha? In la caabudo Alle oo la raaco awaamiirtiisa.

2. Camalka wanaagsan iyo dembiga: Wuxuu dadka ku baraarujiyay muhiimadda toobadda iyo ka-noqoshada khaladka.










Waqtigii dhimashada

Markii uu waqtigiisu dhamaaday, Nabi Aadam wuxuu ka tagay jiil cusub oo taran leh, kuwaas oo uu ku wacyigeliyay inay racaan jidka Alle. Taariikhda quraafadka ah waxay sheegtaa in Aadam uu noolaaday muddo dheer, si uu u hoggaamiyo faracankiisa.


Casharada laga Baranaayo Taariikhdiisa

1. Daryeelka Ujeedka Abuuritaanka: insaanku wuxuu leyahay masuuliyad uu Alle ugu talagalay.

2. Qiimaha Toobadda: Allah waa mid cafis badan oo u naxariista kuwa u laabta.

3. Ka Digtoonaanta Ibliis: Ibliis wuxuu ku dadaalayaa inuu bini’aadamka ku hoggaamiyo dembi iyo cadaab


Gabagabo

Nolasha Nabi Aadam (Calayhi Salaam) waxay inoo iftiimisaa bilowga abuurita bini’aadamka iyo xiriirka qotada dheer ee insaanka iyo abuurhooda.                                                                              Taariikhdiisu waxay inoo sheegaysaa qiimaha uu leeyahay toobadda, samirka, iyo cibaadada. Waxay sidoo kale na xasuusinaysaa in noolasha dunida tahay imtixaan kaas oo lagu abaal marin doo qof walba maalinta xisaabta.

Ibliis wuxuu inoo yahay cadaw cad, waxana waajib nagu ah in aan taxaddarno oo aan calamalkeena u hagno sidii aan Alle ugu dhawaan lahayn. Sidii Nabi Aadam iyo xawa, waa muhiim in aan qaladkeena ka toobad keeno, si aan uga mid noqonno kuwa uu Alle cafiyo oo u naxariisto. Nabi Aadam (Calayhi Salaam)  wuxuu ahaa tusaale iyo hanuuniye ;taariikhdiisuna waxay ina tusaysaa awoodda iyo caddaaladda Alle ee abuurkeenna.                                                                              Waxaan kabaraneena in aan u shaqayno camal wanaagsan, iskana ilaalino qalooca, kana taxaddarno sasabida shaydaanka.                Nolosha Aadam (Calayhi Salaam) waa bilwga sheekada bini’aadamka, taaso weli sii socota ilaa manta.

 

Post a Comment

0 Comments