LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Taariikh Nollaleedkii Madaxwaynihii Lixaad, Cabddullahi Yuusuf Axmed.






Cabdullaahi Yuusuf Axmed: Astaanka Hoggaanka Xilliyadii Adkaa


Cabdullahi Yuusuf Axmed (1934_2012) wuxuu ahaa hoggamiye can ka ah oo door muhiim ah ka qaatay siyaasada Soomaliya, gaar ahaan xiliyadii ugu adkaa ee dalku somaray.

Taariikhdisu waxay mujinaysaa hoggaamiye adkeysi leh oo u taagnaa isku_dayga dib u_heshiisinta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Noolashii hore iyo xirfaddiisii ciidan

Cabdullaahi Yuusuf wuxuu dhashay 1934 tii, gobolka Puntland. Wuxuu kubiiray ciidanka xooga dalka Soomaliyeed, halkaas oo uu tababar heer sare ah kuqatay Talyaaniga iyo Midawga suufiyeeti. Wuxuu darajada gaashaanle sare ku gaaray ciidanka. Sikastaba, 1969 kii wuxuu si cad oga horyamid afganbigii uu said barre ku qabsaday talada dalka, taaso sababtay in la xiro oo uu xabsi ku jiro ilaa 1975

Marki xabsiga laga sii daayay, Cabdullahi Yuusuf wuxuu bilaabay halgan kadhan ah xukunkii barre, Itoobiya uu burburay 1985_tii taas oo keentay in laxiro mar labaad, Cabdullahi Yuusuf wuxuu sii watay olalihiisia kadhanka ah kalitalisnimada.

Hoggaamintii putland

Kadib burburkii Xukunka barre 1991, Cabdullahi Yuusuf wuxuu door door hoggamineed ku lahaa dhismaha puntaland oo noqotay maamul gobobaleed isku filan marka loo eego colladsaha kajiray goballada kale. Inkastoo qaabkisa hoggamineed lagu dhaleeceeeyay in uu ahaa mid adag, haddana wuxuu kuguleystay in uu Puntland ka dhigo meel deggan marka loo barbardhigo Soomaaliya inteeda kale

Madaxwayninimada Soomaliya

2004, Cabdullahi Yuusuf wuxuu noqday madaxwaynaha ku_meel gaarka  ahayd ee Soomaaliya (TFG). Waxaa lafilayay inuu kashaqeeyo dib_u_dhiska qaranka, is kudhafka kooxaha hubaysan, iyo dib_u_soocelibta sharciga iyo kaladanbaynta. Si kastaba, dowladdiisu waxay lakulan tahay caqabado badan, sida colaadihii ka sii socday iyo khilaafadka siyaasadeed ee gudaha. Bishii Diseembar 2008, ayuu xilka kadagay sababo la xiriiro Isfahan la’aanta siyaasadeed

Sababaha ugu waaweyn ee uu xilka uga dagay waxaa ka mid ahaa:

1.     Isku-dhacyada Siyaasadeed: Waxaa jiray khilaafaad soo noqnoqday oo dhex maray isaga iyo ra’iisul wasaarihiisii Nuur Cadde (Nur Hassan Hussein). Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ku guuldareystay isku daygiisii ahaa inuu xilka ka qaado ra’iisul wasaaraha, taas oo abuurtay xiisad siyaasadeed oo sareysa

2.     Cadaadis Caalami ah: Beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Afrika, Qaramada midoobay, iyo dowlado kale, waxay cadaadis kusaaren Cabdullaahi Yuusuf inuu xalliyo khilaafaadka siyaadadeed iyo inuu ku dhaqqaqo wada_hadal iyo is_afgarad gudaha ah

Fashilka Dowladnimada:

Dowladdiisa oo ku tiirsaneed ciidamada Itoobiya ee taageerayay TFG_da ayaa awoodi wayday inay xakamayso Soomaliya inteeda badan, iyadoo Muqdisho ay ahayd meel dagaalo xoogan ka socdeen. Dawladdu waxay umuuqatay mid kuguuldaraysatay inay hirgeliso nabad waarta.

Cadaadis Caalami ah:Beesha caalamka, gaar ahaan Midawga Afrika, Qaramada midooba, iyo dowlado kale, waxay cadaadis kusaaren Cabdullaahi Yuusuf inuu xaliyo khilaafaadka siyaasadeed iyo inuu ku dhaqqaqo wada hadal iyo is afgarad gudaha ah

Dhimashadiisa iyo dhaxalkiisa

Cabdullahi yuusuf Axmed wuxuu geryooda Maarso 23,2012, isaga oo 78 jir ah, kadib xanuun uu la jiifay oo ku dilay magaalada Abu dhabi. Dhaxalkiisa waa mid laga murmi karo:

Waxaa lagu xusuustaa dadaalkiisii uu ku doonayay inuu mideeyo Soomaaliya, inkasta oo

Qaabkiisa talisnimo uu dhaleecayn badan soo jiitay. Wuxuu astaan u yahay hoggaamiyayaashii

Soomaalida ee isku dayay inay soo celiyaan dowladnimada dalka burburay.

Gunaanad

Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu astaan u yahay hoggaamiyihii Soomaaliyeed eek u dhiirraday isku_dayga inuu dib u dhiso dal burbur iyo colaad ba’an ku jirtay. Inkasta oo caqabadihii uu wajahay ay aad ucuslaayeen, haddana taariikhdiisu waxay ifiiminaysaa kartida, adkeysiga, iyo rajo uu ka qabay Soomaliya midaysan oo nabdoon.

 

Post a Comment

0 Comments