Xassan
Sheekh Maxamuud: Hoggaamiye Taariikhi ah oo U Heelan Horumarka Soomaaliya
Hordhac
Xassan Sheekh Maxamuud waa mid ka mid ah siyaasiinta ugu caansan Soomaaliya
ee hoggaamiyay waddanka xilli ay jireen caqabado waawen. Isagoo laba jeer loo
doortay madaxweyne (2012_2017 iyo 2022_dii ilaa hadda), wuxuu astaan uyahay
dadaalka loogu jiro nabad, dib_u_dhisks, iyo midnimo qaran. Hoggaamintiisa
waxaa laguu yaqinna isku dayga dib u heshiisiinta iyo xoojinta hay’adaha
dawliga. ah silamid ah kama marno dhaliilo.
Nolasha
Hore iyo Waxbarashada
Xassan sheikh Maxmuud wuxuu ku dhashay jalalaqsi, gobolka Hiiraan, bishii
Nofeembar 29, 1955. Waxbarashadiisa hoose, dhexe, iyo sare ayuu ku dhammeyyay
gudaha Soomaaliya, isagoo markii dambe u aaday Hindiya, halkaas oo uu kabartay
injineernimida iyo horumarinta waxbarashada. Intuu ku soo laabtay dalka, wuxuu
ka mid noqday dadkii ugu horreeyay ee aasaasay jaamacadda SIMAD oo manta kamid
ah jaamacadaha ugu caansan Soomaaliya.
Xassan Sheekh wuxuu si xoohhan ugu olaleeyay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed
loo siin lahaa fursado waxbarasho iyo hormar shaqo, taaso ka dhigtay mid ka mid
ah hoggaamieyaasha bulshada ee la qaddariyo .
Soo
Gelidda Siyaasadda
Sannadkii 2011_dii, xassan Sheekh wuxuu asaasay xisbiga Nabadda iyo Horumarka
(PDP), Isagoo hiigsanayay inuu soo celiyo nidaam dawladeed oo ku dhisan
cadaalad iyo horumar.
Dadaalkiisa waxaa si weyn u taageeray bulshada Soomaaliyed oo ay
daashadeen dagaaladii sokeeye iyo burburka haya’adahii dawladeed.
Madaxwayninimada
koowaad(2012_2017)
Xassan Sheekh maxamuud waxaa loo
dorta madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2012_dii, isagoo kuguuleystay
musharixiin kale oo miisan leh, Dorashadiisa waxaa loo arkayay rajo cusub oo
loogu soocelinta nidaamka dawladnimo iyo soo kabashada Soomaaliya.
Gulihii
intii uu Xilka Hayay
1.Dib_U_dhiska Hay’adaha Dowliga ah
Xassan Sheekh wuxuu xooga saaray xoojinta hay’adaha dawladda, oo ay
ku jirto dib_u_ eegista dasduurka Soomaaliya iyo la shaqaynta maamul
gobaleedyada si loo dhiso nidaam fadaraal ah.
2.Hormarinta Xiriirka Dibadda
Wuxuu guleeystay inuu Soomaaliya ku soo celiyo xiriirkii caalamig ahaa,
isagoo keenay taageero dhaqaale iyo mid siyaasaded oo muhiim ah.
3.
Hagaajinta dhaqaalaha
Dawaladiisu waxay daah furtay qorsheyaal lagu hagaajinaayo dhaqaalaha, oo ay
ku jiraa aruurinta canshuuraha iyo ilaalinta hufnaanta maaliyadeed.
Caqabadaha
Inkasta oo uu kutillaabsaday guulo muhiim ah, haddana waxaa jiray eedeymo
musuqmaasuq iyo awood la’aan lagu eedeeyay dowladiisa. Tani waxay hoos u
dhigtay kalsoonida dadweynaha ee maamulka.
Maxadaweynenimada Labaad (2022_illaa
Hadda)
Markii labaad ee loo doortay Xassan Sheekh Mxamuud wuxuu layimid qorshayaal
ballaaran oo ku aaddan dib_u_heshiisiinta, la dagaallanka argagixisada, iyo kor
u qaadidda dhaqaalaha dalka.
Himilada Hoggaamintiisa
Dib_u_heshiisiinta: xassan Sheekh wuxuu ballan qaaday inuu mideeyo dhamman qabyaha
bulshada si loo abuuro dowlad midaysan oo waarta.
La Dagaallanka Al_shabbaab: Hoggaamintiisa waxay diradda saartay sidii loga adkaan lagaa
AL_shabaab, iyadoo loo marayo dagaal istaraatiijiyadeed iyo wacyigelin bulsho.
Xoojinta Dhaqaalaha:
Wuxuu xooga saaray inuu Soomaaliya gaarsiiyo iskaashi
maalgashi iyo inuu sii wado qorshaha denyn_cafinta caalamiga ah.
Gabagabo
Xassan Sheekh Maxamuud waa
hoggaamiye nolashiisa ku bixiyay sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa nabad iyo
hormar. Labada jeer ee uu xilka qabtay waxay staan u tahay rajada dadka
Soomaaliyeed ee ku aaddan in waddanku ka gudbo caqabadaha taagan, Hoggankiisa
ayaa mar kasta lagu xasuusan doonaa dadaalkiisii ku aaddanaa dib-u-dhiska
Soomaaliya iyo horumarinteeda.
0 Comments