Qisada Nabi Daawuud (Calayhi Salaam): Hogaamiyaha Caddaaladda iyo Hibooyinka Gaarka Ah
Nabi Daawuud (Calayhi Salaam) wuxuu kamid yahay rususha Alle, wuxuuna ka soo jeeday qoomkii reer Banii Israa'iil Waxa uu ahaa nabi caan ku ah geesinimo, caddaalad, hibooyin gaar ah, iyo xiriir dhow oo uu la lahaa Alle Nabi Daawuud (Calayhi Salaam) waxaa Alle ku galladaystay han weyn oo dhanka maamulka, guusha dagaalk, iyo curinta heesaha mahad-celinta Alle. Taariikhdiisa ku soo arooortay Qur'aanka Kariimka ah waxay xanbaarsan tahay waxay xanbaarsan taahy cibrooyin baan oon kashidaal qadan karno.
Geesinimadii Nabi Daawuud (Calayhi Salaam)
intii uu da'yar ahaa, Daawuud (Calayhi Salaam) wuxuu caan kunoqday geesinimo iyo difaacidda xaqa. Qur'aanka ayaa ka sheekeeyaya dhacdo muhiim ah oo uu ku dilay Jaaluut (Goliath), oo ahaa hoggaamiyihii awoodda badnaa ee ku hayay reer Banii Israa'iil gumaysi iyo dulmi. Daawuud (Calayhi Salaam) ayaa isagoo aaminsan awooda Alle ayuu la galay dagaal adag, wuxuuna ku guulaystay inuu dilo Jaaluut.
"Waxay ku jabiyeen idanka Alle, Daawuudna wuxuu dilay jaaluut.......(Suuradda Al-Baqra aaydda, 251)
Guushas ayaa ahayd mid ay aad uga faa'idaysteen reer Bani Israa'iil, waxayna Daawuud (Calayhi Salaam) ka dhigtay mid caan ah oo lagu kalsoon yahay inuu noqdo hoggaamiye iyo hanuuniye.
Maamulkii iyo Boqornimadii Nabi Daawuud (Calayhi Salaam)
Nabi Daawuud (Calayhi Salaam) wuxuu noqday boqora reer Banii Israa'iil, isagoo caddaalad iyo xaqsoor ku maamulay dadkiisa. Qur'aanka ayaa ammaanay sida uu uga dhabayn jiray caddaaladda:
"Daawuudoow, waxan kaa yeelnay mid qaliif ka ah arlada, kala xukun dadka si xaq ah hawadadana haraacin....." (Suuradda Saad aayah: 26)
Wuxuu lahaa hibo gaar ah oo uu ku kala saaro kiisaska dadka is-qabta, isagoo mar walba raacayay jidka xaqa. Dadkiisu waxay ku faraxsanaayeen maamulkiisa oo Alle u barakeeyay.
Hibooyinkii Gaarka Ahaa ee Nabi Daawuud (Calayhi Salaam)
Nabi Daawuud (Calayhi Salaam) wuxu lahaa hiboyin gaar ah oo Alle siiyay, kuwaas oo Qur'aanka si qurux badan loogu xusay:
1, Codka Macaan iyo Sabuurka: Daawuud (Calayhi Salaam) wuxuu lahaa cod aad u macaan oo uu Alle ku amaano. Wuxuu helay kitaabka zabuur, oo ahayd fariin uu Alle u soo diray asaga si uu dadkiisa ugu hanuuniyo.
2. Dhaqida Birta: Nabi Daawuud (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa nin shaqo jecel oo Alle baray sida loo dhaqo birta loona sameeyo hubka dagaalka,sida gaashanka. Tani waxay ahayd mid muujinaysa Alle naxariistiisa iyo in shaqada adag la weyneeyo:
وَعَلَّمْنَـٰهُ صَنْعَةَ لَبُوسٍۢ لَّكُمْ لِتُحْصِنَكُم مِّنۢ بَأْسِكُمْ ۖ فَهَلْ أَنتُمْ شَـٰكِرُونَ ٨٠
Dagaalkii iyo Dadaalkii Nabiga
Nabi Daawuud (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa halyeey dagaal oo difaacay dadkiisa markasta oo cadaawayaal kusoo duulaan. Taariikhdiisa waxaa ku jiro qaadashada go'aanno adag iyo hoggaamin xooggan oo lagu ilaalinayay xaqa iyo sharafta qoomkiisa.
Wiilkisa Nabi Sulaymaan (Calayhi Salaam)
Nabi Daawuud (Calayhi Salaam) wuxuu dhalay Nabi Sulaymaan (Calayhi Salaam), oo isna ahaa hogaamiye caan ah. Daawuud (Calayhi Salaam) wuxuu Sulaymaan muhiimadda cadaaladdaiyo Alle kalsoonida lagu qabo. Sulamaan (Calayhi Salaam) ayaa noqoday mid dhaxla nabinnimadii iyo boqornimadii aabihis.
0 Comments