Sidee Ku Badali Kartaa Noloshaada ?
Noloshu waa safar ay ku lamaan yihiin tijaabooyin, fursado, iyo caqabado, Dadku waxay inta badan isweydiiyan: Sidee ayaan nolosheyda u hagaajin kara si ay unoqoto mid waxtar leh oo farxad badan ? Badalida noolasha waa tallaabo u baahan in qofka uu fahmo muhiimadda isbadelka, u qorsheeyo, oo kudadaalo sidii uu u gari lahaa hadafyo waawen oo macno u leh nolashiisa.
Qur'aanka Kariimka ah wuxuu si cad u tilmaamay in qofka bani'aadamka ah uu awood u leeyahay inuu isbedel ku sameeyo xaaladiisa marka uu layimaado niyad, dadaal, iyo Alle ku tiirsanaan.
"Alle mabadelo qoom ilaa ay ayagu badalaan waxa naftooda ku jira."
(Suurah Ar-Racdi aayada 11)
Tilaabooyinka Hagaajinaya Nolshada
1. Imaan Adag iyo Tawxiidka
Iimaanku waa saldhiga nolosha wanaagsan. marka qofku uu ku tiirsanaado Alle oo kali ah, nolashiisa waxay waxy yeelataa xasilooni iyo kalsoni. Isku kalsoonaanta iyo qanaacada ayaa ah astaamaha ugu muhiimsan ee lagu gaari karo guul.
Qowlka rabigeena waa kii ahaa : "Kuwa iimaanka lagahelay waxay ku xasishaa quluubtooda xuska Alle, xuska Eeba unbay qalbiyadu ku xasilaan."
Suuradda Ar-Racdi aayadda - 28)
2. Garo Ujeedka Noloshada3. Samir iyo Dulqaad La'imoow
6. Kafogoow Denbiyada Wanagana Ku Dadaal
Dembiyadu waxay keenaan murugo iyo dib u dhac, halka camalka wanaagsani uu horseedo farxad iyo barak. Alle wuxuu dadka ku dhiiri galiyey sameynta wanaaga, Asagoo ku yiri aayadii macnaheedu ahaa: "Qofkii layimaado hal xasano wuxuu leyahay toban laabkeed, qofkii layimado xumaana lagu abal marin maayo ilaa miduu layimid mid lamid ah am'ahe. "
(Suuradda Al-An'aam aayadda - 160)
7. Naftaada Si joogto ah U hagaaji
Qofka wax barta wuxuu si joogto ah u horumarin karaa noolashiisa. Barashada cilmiga diinta iyo kan aduunyadu waxay kobciyaan fahankaaga iyo awoodda aad u leedahay inaad hormar gaarto.
Gunaanad
Bedelidda noolasha waa hawl u baahan iiman, dadaal, iyo joogteen. Marka qofku uu bartilmaameedsado wanaagga, Allene ku tiirsanaado, una samro caqabadaha, waxuu noolashiisa ka dhigi kartaa mid guulaysata oo barako leh. Qur'aanka Kariimka ah ayaa farriin mug weyn ka siiyay qof walba oo doonayo inuu noloshiisa hagaajiyo, isagoo xasuusinaya in guushu ay ku jirto ku tiirsananta Alle, ku adkaysiga xaqa, iyo ku dadaalka camalka wanagsan.
0 Comments