Qisada Nabi Sulaymaan (Calyhi Salaam): Hoggaamiye Xikmadda Leh iyo awood.
Hordhac
acNabi Sulaymaan (Calyhi Salaam) waa nabi Alle siiyaya xikmad, iyo awod cajiib ah, silamid ah xukun aan caadi ahayn oo gaaray heer uu xukumo jin, insaan, xayawaan, iyo dabaylaha. Qisadiisu waa mid ku salaysan caddaalad, iyo ku tiirsanaanta Alle, iyo maamulid awd leh o loo adeegsaday wanaagga. Intii uu noola, wuxuu wajahay imtixaano waaween, oo ay ka mid yihiin tijaabqyin ku saabsan boqortooyadiisa iyo awoodiisa mucjisada leh. Qisadiisa waxay tusaale noogu tahay in awoodda iyo xikmadda lagu hirgeliyo cadaald iyo Alle cabsidii.
1. Boqornimada iyo Maamulkii Caddaaladda ahaa
Nabi Sualaymaan (Calayhi Salaam) wuxuu dhaxlay boqornimadii aabbihiis, Nabi Daawuud (Calyhi Salaam), wuxuuna caan ku noqday hogaaminta caddaaladda ku dhisan. Wuxuu ahaa boqr Alle siiyay awood weyn iyo xukunka caalamka. Qur'aanka ayaa ka hadlay cadaaladiisa iyo xikmadda uu u adeegsan jiray xukunkiisa;
Nabi Sulaymaan (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa qof u adeego dadka, cadaaladna kula dhaqmo bulshada u xukumo, isagoo Alle kaga mahadcelin jiray nimcada uu siiyay.
(Suurah Saad aayada 30-40
2. Hibooyinka Gaarka ah ee Alle Siiyay
Nabi Sulaymaan (Calayhi Salaam) wuxuu lahaa hibooyin gaar ah oo Alle ku galladaystay, kuwaas oo uu u adeegsan jiray wanaagga iyo ilaalinta xaqa. Hibooyinka ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa;
a. Xiriirka uu La lahaa jinka iyo Xayawaanka
Nabi Sulaymaan (Calayhi Salaam) wuxuu awood u lahaa inuu la hadlo xoolaha iyo shinbiraha uuna fahmo woraahdooda. Tani waxay ahayd tilmaan muujinaysa barakada Alle siiyay. Qisadii uu layeeshay shinbirtii Hud-hud, oo u sheegtay war ku saabsan boqoraddii saba' (Balqiis), ayaa tusaale fiican u ah awooddiisa: (Suurah An-Namli aayada, 22)
b. Xakamaynta Dabasha iyo Maamulidda Jinka
Nabi Sulaymaan (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa mid xukuma dabaysha, isagoo u adeegsan jiray safarada iyo adeegyo kala duwan. Jinnkuna waxay ku hoos noolaayeen maamulkiisa, iyadoo loo xil saaray shaqooyin adag. (Suurah Saba aayadda, 12-13)
3. Qisada Boqoraddii Saba' (Balqiis)
Qisada ugu caansan ee Nabi Sulaymaan (Calayhi Salaam) waa tii uu kula kulmay boqoradii saba' oo ahayd boqorad caan ku ah awood iyo maamulka. Hud-hud ayaa Sulaymaan u sheegtay inay caabudo qoraxda oo asan garaneen Alle. Nabi Sulaymaan ayaa u diray Hud-hud si uu ugu geeyo warqad casuumaad ah Balqiis, taas oo ku saabsan tawxiidka iyo islaamnimada. Markay gaartay Balqiis warqadii oo ay aqriday waxay go'aansatay inay udirto Nabi Sulaymaan hadiyado si ay u eegto inuu yahay maal doon iyo inuu yahay Nabi xaq ah, laakiin Nabi Sulaymaan waa uu diiday hadiyadihii una sheegay inuu san ubaahneen maal aduun uuna leeyahay boqortooyo a awood saraysa teeda.
Safarkii Balqiis iyo Aragtidii Carshigeeda
Nabi Sulaymaan wuxuu amar ku bixiyay in loo keeno carshiga balqiis intaysan soo gaarin horteed. Mid kamid ah jinka awooda badan (ifriit) ayaa sheegay inuu ku keeni karo carshiga intanad kakicin fadhigaga, mid kale oo lagu sheegay inuu cilmi lahaa laakiin aan lagaraneen jin iyo insi miduu ahaa ayaa yiri waxan ku kenayaa intay ili libidh tirahdo qadar la'eg. Nabi Sulaymaan markuu arkay carshigiyoo hortiisa yala wuxuu yiri tani waa nimcada Eebahay si uu ii tijaabiyo inaan ku mahadnaqaayo iyo inan ku kufrinaayo....
(Suurah An-Naml aayada, 39-40)
Imaanki Balqiis
Sidoo kale wuxuu tusay Nabi Sulaymaan Balqiis in shirkiga ay ku jirtay uu khalad ahaa, isagoo tusay xaqiiqada tawxiidka Alle. Markii ay aragtay xaqiiqada tawxiida waxay qiratay qaladkeeda oo tiri:
"Eeboow waxan dulmiyay nafteyda, waxana is ku dhibay Alle Sulaymaan lajirkiisa."
Casharada Laga Baranaayo Qisada Nabi Sulaymaan (Calayhi Salaam)
1. Xikmadda iyo Caddaaladda Xukunka
Sulaymaan (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa tusaale ficaan iyo hogaamiye ku dhaqma caddaladda iyo xikmadda, isagoo waliba adeegsanayay awooddiisa wanaagg. Hogaamiyaha wanaagsan waa inu ilaaliyo xuquuqda dadka uu xukumo.
2. Mahadcelinta Nimcada Alle
Wuxuu ahaa qof mar kasta Alle ugu mahadceliya hibooyinka uu siiyay, taasna waxa ina tusaysaa in Alle uga mahadcelino wax kasta oo uu nasiiyay, una adeegsano dhanka wanaagga.
3. Adeegsiga Hibada Saxda Ah
Sulaymaan (Calayhi Salaam) wuxuu adeegsaday awooddiisa si uu dada ugu hanuuniyo oo uu u wanaajiyo noloshooda.
Gunaanad
Nabi Sulaymaan (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa nabi iyo boqor caddaalad ku dhaqma, xikmad badan, oo ku kalsoon Alle. Qisadiisa Qur'aanka lagu soo wariyay waxay xanbaarsan tahay tusaalooyin muhiim ah oo a hadlaaya hoggaaminta saxda ah, shukriga, iyo adeegsiga hibada si loo gaaro wanaag. Nabi Sulaymaan (Calayhi Salaam) wuxuu na baraya in awoodda iyo xilka lagu xilsaartay ay yihiin tijaabo Alle bixiyay, loona baahan yahay in lagu maamulo sida Alle raali ka yahay.
0 Comments