Nabi Yacquub (Calayhi Salaam): Tusaale Sabir, Xigmad, iyo Jacayl Ehel
Hordhac
Nabi Ycquub (Calayhi Salaam) wuxuu kamid yahay nabiyada barakaysane Qur'aanka lagu xusay, oo lagu tilmaamay mid kamid aha kuwa u gu sabirka badan/ Wuxuu ahaa wiilka Nabi Isxaaq (Calayhi Salaam) iyo awwga Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam), asagoo ah dhaxal suuban oo kusalaysan xaqa iyo cibaadada. Taariilhdiisa waxay ka turjumasa dulqaadka, jacaylka ehelka, iyo ku adkaysiga hanuunka Alle. Maqaalkan wuxuu dirada saraya Qisada Nabi Yacquub (Calayhi Salaam), waxtarkiisa iyo casharada laga baran karo nolashiisa.
Nabi Ycquub (Calayhi Salaam) iyo Qisada Qur'aanka
qur'aanka wuxuu Nabi Yacquub (Calayhi Salaam) ku tilmaamay mid sabir badan, isagoo wajahaya tijaabooyin adag nolashiisa. Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu caansan waa maqnaashaha wiilkiisa Yuusuf (Calayhi Salaam) iyo siduu ugu dulqaatay maqnaashahas mudada dheer. Wuxuu si joogto ah ugu kalsoona in Eebbe uu wiilkiisa ku soo celin doono:
(Suurah Yuusuf aayah: 86)
Sidoo akale, Nabi Yacquub (Calayhi Salaam) wuxuu ku suntana jacaylka ehelkiisa iyo ku adkeysiga ducada, taas oo uu ku mujinaysa mar kasta oo uu la kulmo dhibaato .
Nabi Yacquub: Tilmaahamaha Diimeed iyo Hoggaaminta
1. Sabirka iyo Ducada: Nabi Yacquub wuxuu caan ku ahaa dulqaadka iyo joogtaynta ducada xiliyada tijaaboyinka adag. Qur'aanka wuxuu ku sheegay sabir kiisa inuu ahaa tusaale ku dayasho mudan.
"( Suurah Yuusuf aayadda: 18)
2. hoggamiyaha Eehelka: Nabi Yacquub wuxuu ahaa hogaamie ehelkiisa u horseeda hanuunka iyo cibaadada, isagoo caruurtiisa ku booriyaya in ay u hogaansamaan Eebbe.
(Suuradda Al-Baqra aayada: 133)
3. Jacayka iyo Isku xirnaanta Qoyska: Nabi Yacquub wuxuu ahaa tusaale dhamaystiran oo mujinaya sida uu qoyska ugu hagar baxayay, isagoo si gaar ah ugu welwelsanaa wanaagga iyo badbaadada caruurtisa.
4. Ku Adkeysiga Hanuunka: Nabi Yacquub wuxuu carruurnimadiisa u sheegay in ay ku adkaystaan hanuunka Alle, isagoo si gaar ah u xusay muhiimada cibaadada iyo iimaanka suuban.
Casharada laga Baran karo Nabi Yacquub (Calyhi Salaam)
1. Muhiimada Sabirka: QISADA Nabi Yacquub waxay mujinaysaa sida ay muhim u tahay in qofka Muslimka ahi uu udulqaato tijaabooinka nolosha. Sabirka uu muujiyay muddaadii uu Yuusuf maqnaa waa tusaale wanagsan.
2. Ducada iyo Kalsoonida Eebbe: Nabi Yaquub wuxuu cashar weyn ka bixinayaa sida qofka mu'minka ahi uu ugu kalsoonaan karo in Alle uu wax walba u fududayn doona, xitaa marka xaaladu ay adag tahay.
3.Hogaaminta Qooyska: Sida uu ehelkiisa ugu booriyay ku dhaqanka diinta waxay tusaale u tahay sida waalidiinta Muslimiinta ahi ay u noqon karaan hogaamiyeyaal ruuxi ah
4. Akhlaaqda Wanaagsan: Tilmaamaha Nabi Yaquub ee jacylka, dulqaadka, iyo ducada joogtada ah waxay cashar ku siinayaan qof kasta oo raba inuu ku noolaado nolol ku salaysan akhlaaq wanaagsan.
5. Nabadgelyada Qoska: Isku xirnanta qoska iyo jacaylka uu u muujiyay carruurtiisa waxay astaan u tahay muhiimadda midnimada qoska iyo naxariista waalidka.
Gunaanad
Nabi Yacquub (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa tusaale muuqda oo ku saabsan sabirka, ducada, iyo jacaylka qoyska. Tilmaamaha uu leeyahay, sida ku adkaysiga xaqa iyo hoggaaminta qoyska, waxay dhirrigelinayaan qof kasta inuu ku noolaado nolal ku salaysan hanuunka Alle. Casharrada laga barto qisadiisa waxay iftoominayaan muhiimadda akhlaaqda wanagsan, dulqaad, iyo ku tiirsananta Alle xilliyada tijaabooyinka adag.
0 Comments