LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Taakhda Nabi Ibraahim (Qaliilu Allah).











Nabi ibrahim (Calyhi Salaam):Abuuraha tawxiiidka iyo Aabbaha Rusuusha

Hordhac 

Nabi Ibraahim (Calyhi Salaaam ) waa mid kamid ha nabiyada ugu muhiimsane Qu'aanka lagu xusy. Waa uu ahaa tusaale hanuunint, sabarka, iyo ku adkaysiga caqiidada saxda ah ee tawxiiidka. Nabi Ibrahim waxaa loo yaqaanana "Aabbaha Rusuusha" sababtoo ah waxa uu aasaasay nasabka nabiyo badan, sida Ismaaciil (Calyhi Salaam), Isxaaq (Clyhi Salaam), iyo Nabi Maxamed (Sallalaahu Cayhiyi Wasallam). Qisada Nabi Ibraahim ee Qur'aanka lagu xusay wa mid dhiirigelin u ahqof kasta oo doonaya inuu ka barto hanuunka, tawxiidka, iyo isku-dhiibka amarka Eebbe.

caruurnimadii Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam): Raadinta Xaqa

Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam) wuxuu ka dhashay qoom ku dhaqma shirkiga, kuwaas oo caabudi jiray sanamyo iyo xidigaha. Caruurrnimadiisi ayuu bilaabay inuu ka fikiro xaqiiiqada nolasha iyo cidda abuurtay dunida. Qur'aanka ayaa kawaramaya siduu uraadshay Xaqa:                                                      Markuu habeenkii arka xidig, wuxuu yiri kani waa rabigeey.' Markuu libdhay ayuu yidhi majecli kuwa libdha. (Suurh Al-Ancaam aayah:76)                                                                                                  

La Dagaallankii Shirkiga

Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam) wuxuu si geesinimo leh ugu yeeray qoomkiisa inay iska dayaan caabudidda sanamyada oo ay u noqdaan Eebbe. Wuxuu u sheeg in sanamyadu aysan awod lahayn, sida lgu sheegay Qur'aanka: (Suurah Al-Anbiya aayada:66-67

Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam) wuxuu jebiyey sanmyadii qomkiisa caabudi jireen si uu utuso liidnimadiida. Wuxuu kaga tagay sanamka ugu weyn isago grabka usuray fashtuu ku burburiyay. Marka waydiyeen Ibrahimuuw ma'adiga sameyey tani. Wuxuu ugu jawaabay, Waxaa falay midka ugu wayn ee waydiiya haduu hadli karo, (Suurah Anbiyaa aayadda:63 ) 

Tani waxay u ahayd qoomkiisa wacdi cad, laakiin waxay ku caasiyoobeen wacdigiisi, waxayna is kudayeen inay ku gubaan dab weyn. Eebbe ayaa badbaadiyey Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam): (Suurah Al-Anbiyaa aayah 69)

Socdaalkii Hanauunka iyo Abaabulka Ubadka

Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam) wuuu ka qaxay dadkiisii isagoo raadinaya hanuunka iyo inuu fidiyo tawxiidka. Intii uu socodkiisa ku jiray, Eebbe wuxuu ugu bishaareeeyay in uu heli doono ubad barakayan. Wuxuuna helay wilkiisii Ismaaciil (Calayhi Salaam) isagoo oday ah, waxana ka danbeeyay Isxaaq (Calayhi Salaam). Qur'aank ayaa xusay bishaaradan: (Suurah As-saaffaat: 101)                            Nabi Ibrahim (Calyhi Salaam) wuuu Ismaaciil (Calayhi Salaam) iyo hooydiis Haajara dejiyey Maka, halkaas oo laga aasaasay Xaramka. Wuxuu Eebbe ka baryay:

"Rbiyoow kyeel mgaalo nabadeed, oo ku arzaaq dadkeda miro..... (Surah Al-Baqrah aayah 126)


Tijaabadii ugu wayneed: Allabaryadii wiilkiisii Ismaciil

Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam) waxa uu ku dhacay tijaabo aad u weyn markii Eebbe ku amray inuu allabaryo wiillkiis Ismaaciil (Calayhi Salaam). In ksta oo tijaabadu ahayd mid culus haddana Nabi Ibraahim iyo wiilkiisa Ismaaciil waxay isku dhiibeen amarka Eebbe:

"Markii uu garay da'da shaqada, wuxuu yidhi, 'Wiilkaygow, waxaan ku arkay riyo anigoo ku gawracaya ee maxad ka qabtaaa? Wuxuu ku yidhi Aabbe samee waxii lagu faray waxaad iheli doontaa anigo samar badadn." (Surah As-Saaffat aayah. 102)                                                                                                   

Markuu isku diyaariyey Ismaaciil in lagawraco, Eebbe ayaa badbaadiyey oo u so diray neef si loo allabaryo:

"Waxaan ku baddalnay allabari weyn." (Surah As-saaffaat aayah : 107)

Casharada Lag Barnayo Qisada Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam)

1. Tawxiidka waa Aasaaska Nolosha: Nabi Ibraahim wuxuu tusaale u yahay sida tawxiidka loogu dhiso nollasha isago ka fogaanaya shirkiga iyo caqiidooyinka beenta ah.

2. Isku- dhiibka Amarka Eebbe: Isku-dhiibista Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam) iyo Ismciil (Calayhi Slamaam) waxay mujinaysaa sida qofka muminka ah uu ugu hogaansamo amrka Eebbe, xitaa marka uu adagyahay xaalku.

"Samra maxaa yeelay, Eebbe wuxuu la jira kuwa samra. (Surah Al-Acraf aayah:46

3. Samirka iyo Dulqaadka: Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam) wuxuu tusaale u yahay dulqaadka, gaar ahaan intii uu ku sugnaa tijaabooyinka nolasha. 

"Kuwa sabra ayaa heli doono ajar aan xisaab lahayn." (Surah Az-zumar aayah: 10)

4. Wacyiga iyo Waciidka: Sida Nabi Ibraahim u wajahay shirkiga iyo sanam caabudidda waxay na barasaa in wacdigu uu yahay qaab muhiim ah  bulshada loo hanuuniyo.

Barashada Uabadka: Nabi Ibraahim wuxuu ahaa tusaale wanagsan oo waalid ah, isagoo carruurtiisa baray tawxiidka, sabarka iyo u hoggaansananta Eebbe.

"Rabiyow iiga yeel  aniga iyo ubadkayga kuwo salaadda ooga. rabiyow ducadayda aqbal. (Surah Ibraahim aayah: 40)"

Gunaanad

                                                                                                                                                                Nabi Ibaraahim (Calayhi Salaam) waa halyeey mudan in laga barto nolshisa. Kalsoonida Alle, dulqaadka, xaqiijinta mabadi'da, isku darka duco iyo dadaal, iyo hoggamintisa wanagsan ayaa ah shuruudihii nolashiisa lagu arka oo ku haboon qof kasta oo doonaya inuu guul gaaro addun iyo aakharaba. Tusaalihii waa mid weligeed sii nolaanaya oo u taagan in lagu daydo.                                    Hadaba aqriste noladhaada u hogaami xaga badbaadada iyo dhanka Eebbe wayne.

Post a Comment

0 Comments