Qisada Nabi Haruun (Calayhi Salaam): Hanuuniyihii Qoomka Israa'iil
Nabi Haaruun (Calayhi Salaam) wuxuu ka mid yahay rususha Alle soo diray ee ku suntan taariikhda hanuunka iyo badbaadinta qoomkii hore. Wuxuu ahaa wallalkii Nabi Muuse (Calayhi Salaam), waxana loo diray inuu garab iyo taageero uga noqdo hawshii culusyd ee hanuuninta reer Banii Israa'iil iyo la dagallanka Fircoon. Qisadiisa waxa ka buuxda cibrooyin muhiim ah oo kalsoonida Alle adkaysiga, iyo ilaalinta xaqa.
Asalka iyo Doorkiisii Nabi Haaruun (Calayhi Salaam)
Nabi Haaruun (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa mid ka mid ah reer Banii Israa'iil oo ku dhashay Masar xiligii Fircoon uu dulmiga iyo adoonsiga ba'an ku hayay. Haruun (Calayhi Salaam) wuxuu ka soo qoys sharaf leh, isaga iyo walaalkiis Muuse (Calayhi Salaam) oo ahaa nabiyaal Alle u doortay inay hagaan dadka ka lumay xaqa.
Haaruun (Calayhi Salaam) wuxuu Alle siiyay hadiyad uu ku ahaa cod kar iyo awood uu ugu gudbiyo dadka fariinta hanuunka. Markii Nabi Muuse (Calayhi Salaam) loo diray Fircoon si uu ugu yeero Alle oo kaliya in la caabudo, ayuu Haruun (Calayhi Salaam) noqday kalyihiisi iyo qof ku weheliya hawshaas weyn. Qur'aanka ayaa si gaar ah ugu tilmaamay doorka Haruun (Calayhi Salaam):
"Waxaana uga yeellay walaalkiis Haruun, naxariisteenna darteed, oo waxaan ka yeelnay nabi" (Suurah Maryam aayadda :53)
Dagaalkii Frircoon iyo Hanuunintii Banii Israa'iil (Calayhi Salaam) wuxuu lagalay Fircoon dagaal dhanka hanuunka ah, isagoo garab siinaya walalkiis Muuse (Calayhi Salaam). Fircoon wuxuu ahaa boqor kibir badan oo sheegty inuu yahay ilaah. Haaruun (Calayhi Salaam) iyo Muuse (Calayhi Salaam) waxay u sheegeen Fircoon inuu dadka kadaayo dulmiga oo u hoggaansamo Alle oo keliya. Hase yeeshe, Fircoon iyo ciidankisa way ka hor yimaadeen xaqa, iyagoo weliba ka dhigay reer Banii Israa'iil addoomo lagu xadgudbo.
Nabi Haruun
markii Muuse (Calayhi Salaam) uu reer Israa'iil ka bixiyay Masar, Haruun (Calayhi Salaam) wuxuu noqday hogaamiyahooda inta uu walaalkiis ka maqnaa markuu la kulmayay Alle ee Buur Siinaa.
Fitnadii Dibiga-Caabudka
Inta Nabi Muuse (Calayhi Salaam) uu ku maqnaa Buurta Siina si uu uga soo qaato Towreedda, qoomka Banii Israa'iil waxay isku dayeen inay ku laabtaan caabudidda sanamyadii ay ju barteen Masar. Nin lagu magacaabo Samiri ayaa sameeyay dibi dahab ah si ay u caabudaan, wuxuuna fitno ku dhax faafiyay dadka.
Nabi Haaruun (Calayhi Salaam) wuxuu si adag isku dayay inuu ka hor isku dayay inuu ka hor istaago fitnadaas, isagoo dadka xasuusinayay ballanqadkii Alle. Haruun (Calayhi Salaam) ayaa yiri:
"Haruun (Calayhi Salaam) wuxuu hore ugu yiri: Qoomkaygiiyow, waxaad kujirtan fitno (imtixaan) Rabbigiinnuna waa Ar-Raxmaan. Ee i raaca oo adeeca amarkayga." (Suurah Taa-Haa aaydda 90)
Inkasta oo uu Haaruun (Calayhi Salaam) dedaal badan sameeyay, haddana qaar badan oo kamid aha qoomka way kadhaga adeegeen taladiisa. Markii Muuse (Calayhi Salaam) uu dib ugu soo laabtay qoomkiisi oo uu arkay dibi-caabudkoda aad ayayna u cara galisay Nabi Muuse (Calayhi Salaam) markuu waydiyayna wallkii wuxuuna ugu jawabay, "Ina hoyoow ha'iqaban garka iyo maddaxa anigu waxaan ubaqay inaad itiraahdo waxad kala gaysay qoomkii ree Israa'iil, (Suurah Taa-Haa aayadda 94)
Xigmadda Iyo Casharradda Laga Baranaayo
Qisada Nabi Haaruun (Calayhi Salaam) waxay xambaarsan tahay casharo badan oo muhiim ah;
1. Kaliyaha iyo Garabka Nabiga: Haruun (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa qofka ugu garab istaaga badan xaqa isagoo la shaqeynaya hogaamiyaha (Nabi Muuse). Waxaa laga baranayaa sida is kaashiga muhiim uyahay marka la hogaaminaayo dadka.
2. Ladagaalanka Fitnada: Nabi Haaruun (Calayhi Salaam) wuxuu tusay dulqaadiyo geesinimo markii fitnada sanam-caabudka lagu dhex faafiyay qoomka, isagoo si daacad ah ugu dheganaaday fariinta Alle.
3. Mas'uuliyadda Hoggaaminta: Haruun (Calayhi Salaam) wuxuu bartay in mas'uuliyadda hoggaaminta ay la socoto caqabado adag, balse qofka wax hoggaaminaya uu ku tiirsanaado Alle mar walba.
Gunaanad
Nabi Haruun (Calayhi Salaam) Wuxuu ka mid ahaa nabiyasha Alle ee dadka hanuuniyay xilligii fitnada iyo jahwareerka weyn. Wuxuu ahaa qof Alle siiyay hibooyin gaar ah oo ay ka mid yihiin cod karnimo iyo dulqaad. Wuxu hogaamiye muhiim ah uga noqday reer Bani Isra-iil xilligii Nabi Muuse (Calayhi Salaam) uu hawshiisa gudanaayay.
Qisadiisu waa xasusin muhiim ah oo ku saabsan is kaashiga, adkaysiga, iyo ilaalinta hanuunka. Alle wuu u'abaalguday shaqadiisa wanaagsaneed, waxaana magaciida lagu xusay Qur'aanka si uu cashar ugu noqdo jiilasha danbe oon kamid nahay.
."Haddaba, xasuuso naxarista Alle ee ku sugnaatay taariikhda Nabi Haaruun (Calayhi Salaam) iyo fariinta uu u siday xaqa."
0 Comments