LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Taariikh Nolaleedka Nabi Muuuse (Calayhi Salaam)











Nabi Muuse (Calayhi Salaam): Hogaamiyihii Xooga Badnaa ee Ilaahay U Doortay Hanuunka Ummadiisa

Hordhac 

Nabi Muuse (Calayhi Salaam) waa mid ka mid ah anbiyada ugu caansan ee lagu xusay Qur'aanla, Isagoo ah nabiga ugu badan ee ayado badan lagu sheegay. Nolashiisa waxaa ka buuxa casharro muhiim ah oo ku saabsan sabirka, ku tiirsanaanta Alle iyo dagaalka kadhanka ah dulmiga. Nabi Muuxe wuxuu ahaa hogaamiye wayn oo Ilaahay udoortay inuu hanuuniyo qoomka Banii Israa'iil, isagoo ka saaray cadaalad-daradii Fircoon iyo dhqankii qaldanaa. Maqaalkaan wuxuu diiradda saari doonaa shuruudihii muhiimka ahaa ee laga bartay nolosha iyo hogaamita Nabi Muuse (Calayhi Salaam). 

Tilmaamaha Qur'aanka Ku Xusay Nabi Muuse  (Calayhi Salaam) 

Nabi Muuse waxaa lagu sheegay Qur'aanka in ka badan 130 jeer iyadoo la iftiiminayo dhacdooyinka waaweyn ee noloshiisa iyo casharrada ka dhashay. Waa kuwan qaar ka mid ah sifooyinka iyo dhacdooyinka muhiimka ah ee lagu tilmaamay.

1. Samir iyo Dulqaad

 Nabi Muuse wuxuu muujiyay weyn dulqaad weyn xilliyo adag, gaar ahaam markuu wajahayay fircoon iyo dhibaatooyinkii Banii Israa'iil. Alle ayaa ammaanay dulqadkiisa iyo sida uu u adkaystay masuuliyadaiisa, isagoo isago mar kasta ku tiirsanaa rabitaanka Eebbe.

2. Kalsooni iyo Hal-adayg

Muuse wuxuu ahaa nabiga mujiyay geesinimo iyo kalsooni sare xilligii uu wajahayay fircoon Inkastoo uu ahaa nin ka gaabsady hadalka, wuxuu ku xisaabtami jiray Alle inuu hogaanka u fududeeyo.

3. Dagaal Ka dhan ah Dulliga iyo Cadaalad-darrada

Muuse wuxuu ka shaqeeyay in la tirtiro dulmiga Fircoon oo ahaa hogaamiye gumayste ah Wuxuu hanuuninay Banii  Israa-iil Iagoo si joogto ah ugu dhiirigeliyay inay rumeeyaan Alle oo kelia, una hogaansamaan sharciga Rabbigod. 

Dhacdooninka Waawen ee Nolosha Nabi Muuse (Calayhi Salaam)

1. La Dagaallanka Fircoon iyo caabudida Baadilka 

Nabi Muuse (Calayhi Salaam) wuxuu si toos ah ula dagaallamay Fircoon oo ahaa hogaamiye aad u dulmi badan, kana dhigay naftiisa ilaah been ah. Wuxuu Ummadda ugu yeeray iany joojiyaan caabudidda sanamyada iyo Fircoon, oo kaliye ay Alle caabudaan. Fircoon wuxuu ahaa mid diidan in la caabudo Alle, wuxuuna ku takri fali jiray dadka oo dhan, gaar ahaan Banii Israa'iil. Nabi Muuse wuxuu ku hogaamiyay mucjisooyin badan oo uu Alle siiyay, sida ul uu biyaha uga furay iyo tusaalaha maska.

2. La Dagaallanka Nin Isku Soo Horjeeday

Nabi Muuse mar uu doonay inuu u hiiloyo nin reer Banii Israa'iil ah oo nin kale oo Qibdi ah kula dagaallamayay, wuxuu ku dhiftay nin ciidamada Fircoon ka tirsan feer kaliya, taasoo sabaytay dhimashada ninkii. Markuu ogaaday qaladkiisa wuxuu si dagdag ah ooga toobad keenay Alle,

(Suurah Al-Qasas aayadda, 15)

Maalmo dadabeed hadana wuxuu arkay isla ninkiyo mid kale is haystaan, markuu magay kadhici, ayunbu yiri, "Muusoow mawaxaad doonaysaa inaad iidisho sidaad shalay udishay ninka" Cida ninka dishayna waa lagaran la'aa oo labadigoobayay,  (Suuradda Al-Qasas aayadda: 19), Intaa dabadeed waxa uyimid nin  ordaayo wuxuna ushegay in ladoonaya in ladilo uuna iskaga baxo magalada wuxuuna yiri anigu waxaan ahay mid ku nasteexenaya: (Suuradda Al-Qasas aayada 20)

3. Caawinta Gabdhihii Ceelka

Markuu kasoo baxsaday magaaladii Nabi muuse waxaa uu dul yimid ceel laga waraabsado xoolaha wuxuna arkay gabdho aan awoodin inay kawarabsadaan xoolaha ceelka sababo laxiriiro raga oo aad ugu badan goobta awgeed, kadib waxaa lasheega inuu ceel dhagax wayn saarna uu kaqaaday oogana waraabiyay xolihii,  dabadeedna wuxuu iska fariistay geed hooskii "Wuxuna yiri: Rabiyoow waxaad iiso dajiso oo qayr ah waan ahay mid faqiir u'ah(u baahan) kadib gabdhihii ayaa waqti hora tagay cidii, aabahood ayaa waydiday soodhaqsashadooda, waxayna oga qisodeen qisadii, kadib aabahood aya ku yiri igu yeera wayna sooraadiyeen isagoo islageedkii fadhiyey "Midkood utimid ayadoo xishoonayso, waxayna ku tiri aabahay ayaa ku yeerayo si uu kaga abaal mariyo waraabintadi, markuu uyimid ayuu oga waramay qisadii, dilkii ninka iyo sobaxsashadiisi, wuxuuna kuyiri kacabsan waad kabad baadi qoomka daalimiinta, mid gabdhihi kamid ah ayaa tiri aabw maad raci inooga dhigtid wax laracidysto midka ugu qarbadan weye wuxuuna leyahay xoog, markii loo sobandhigay arinkina wuxuu shardistay Nabi Muuse, "Inuu guursado mid kamid ah gabdhaha 10 sanno ayuuna racayay arigii, (Suurah Al-qasas aayada 23-27)

4. Dheelmintii reer Bani Isra-iil

Waxaa loo waxyooday Nabi Muuse inuu dheelmiyo qomkiisa saqdhexe habeenkii iclaan ayuu bixiyay Nabi muuse caawa saqdhexe saacadda waan baxayna, mid mid ayuuna ugu shega halkeen aadayna? magaranayo ayuu kulaha waa waxyi eebbe, habeen madoow ayayna ka bexeen magaalada, waa gii markuu baryay magaaladiyoo mara ayuu arkay Fircon markasuu yiri aaway ree bani Israa-iil, markaba lagu yiri way baxeeno  halkabay kabaxeen raadkdibuu daba guray markaa dumar iyo ubad ma ahe wixii rag ahaa wuu kexeeyay fircoon, wuxuuna u tabaabushaystay inuu kadaba tago oo mid mid ugawraco, laakiin maxaa dhacay? markay isku muuqdeen waa kuwii baqday kuwii imaanka yara ee nabiga lasocday oo ku yiri qalaas waan halagsanay balse nabigu wuxuu ku yiri sida Qur'aanka kuxusan ""Maya Alle ayaa macayga ah:(Suurah Ash-shu'uraa aayadda 62) kadib waa loo waxyooday Nabi Muuse waxana lagu iri " Kudhufo bada ushaada........ (Suurah As-shu'araa aayah 63)

Casharro Laga baran karo Nabi Muuse (Calayhi Salaam) 

1. Hogaaminta Xaqa Ku Dhisan: Nabi Muuse wuxuu u hogaamiyay dadkiisa caddaalad, isagoo ku adkaysanayay inuu ku dhaqmo awaamirta Alle xitaa markay xaaladdu adag taahy.

2. Samirka Markay Dhibaato Jiraan: Muuse wuxuu ahaa qof u dulqaata dhibaatada isagoo markasta ku tiirsan Alle.

Caawinta Kuwa Tabarta Yar: Dhacdadii uu ceelka ku caawiyay gabdhihii waxay tusaale fiican u tahay sida dadka tabarta yar loo garab istaago.

3 Hal-adayga iyo Kalsoonida: Muuse wuu tusaale ka dhigay in qofka Alle aaminsan uu ku kalsoonaado awooda awoodda Alle inuu ku hoggaamiyo guusha.

Gunaanad 

Nolosha Nabi Muuse (Calayhi Salaam) waa tusaale dhameystiran oo hogaaminta, sabirka, iyo ku tiirsanaanta Alle. Wuxuu ahaa nabiga u taagan xaqa, isagoo ka hortaagan dulmiga iyo cadaalad-darrada Fircoon. Casharrada laga bartay noloshiisa waxay muhiim u yihiin qof kasta oo doonaya inuu ku daydo akhlaaqda wanagsan iyo u hogaansanaanta Alle. Tilmaamaha laga baratay Nabi Muuse waxay xasuusinysa muhiimada ah in Alle loo hogaansamo. dadka lagu caawiyo dulqaad iy kalsooni, loona dagaallamo cadaalad-darrada iyadoo xaqa lagu adkaysanayo.                                                          Muhiimadu waxay tahay inaan sabirno, xaqa ku adkaysanno, oo aan Alle ku kalsoonaanno xilliyada adag iyo kuwa sahlanba.

Post a Comment

0 Comments