Nabi Saaleex (Calyhi Salaam): Wacdiga Qomkii Thamuud iyo Casharrada Ka Dhalatay
Hordhac
Nabi Saaleex (Calayhi Salaam) waa mid kamid ah rususha Qur’aan ka lagu xusay oo loo soo diray qomka Thamuud, kuwaas oo ku caan baxay dhismayaal waaween iyo kibir. Waxa uu ka mid yahay nabiyada loogu yeeray hanuuninta iyo ku hoggaaminta bani’aadamka xaqa, iyo osku-dhiibka Eebe. Qisadiisa waa tusaale barbarian iyo cibro qaadaso leh, gaar ahaan halgankiisii uu la galay dad diiday hanuunkii uu la yimid.
Qoomka Thamuud: Nimco iyo kibir
Qoomkii Thamuud waxay dagnaayeen dhul barwaaqo ah oo leh qayraad dabiici ah. Waxay caan ku ahaayeen in ay godad waaweyn iyo dhismayaal adag ka qodaan buuraha. Qur’aanka Kariimka ah ayaana lagu tilmaamay arinkaan (Surah Shuu'araa aayah:149) In kasta oo ay Eebbe siiyey nimcooyin badan, qoomka Thamuud waxay noqdeen kuwo ku faano xooggoodo una jeestay caabudidda sanamyada. Waxay iska indho tireen nimcada Eebbe, waxayna bilaabeen inay ku kibraan awoodda muuqata ee ay lahaayeen.
Nabi Saaleex (Calyhi Salaam): Fariinta Hanuunka
Nabi Saaleex (Calyhi Salaam) waxaa loo soo diray inuu ugu yeero qoomka Thamuud inay ka baxaan caabudidda sanamyada oo ay u soo noqdaan Eebbe oo keliya. (Suurah Huud aaydah:61)
Fariintiisu Waxay ahayd mid ku salaysan:
1. Tawxiid: Caabudidda Eebbe oo kali ah: 2. Shukri: In lagu mahadnaqo nimcada Eebbe ee muuqata. . 3.Akhlaq: Isku dhaqa sida wanaagsan iyo in laga fogaado dulmiga iyo xaqdarrada.
Mucjisada Halgankii Nabi saaleex
Qoomkii Thamuud waxay ku gacan sayreen fariina Nabi Saaleex (Calayhi Salaam), iyagoo ku eedeeyey inuu doonaayo inuu ka leexiyo dhaqankooda iyo diintooda. Si ay u imtixaaman nabiga, waxay dalbadeen mucjiso cajiib ah: in uu buur ka soo saaro hal (geel) weyn oo uur leh. Nabi Saaleex (Calayhi Salaam) baryay Eebbe, mucjisadana waa la muujiyey
Soo bixidda Hasha waxay ahayd mucjiso wayn oo ay ku jiraan tilmaamahan:
1. waxay ka soo baxday buur ay iyagu tusbaxeen. 2. Waxay ahayd hal wayn oo uur leh siday codsadeen.
Waxaa lafaray inay hashu leedahay cabid gaar ah maalmo, iyaguna aysan cabbin biyaha maalintaas.
- Waxay ka soo baxday buur ay iyagu tusbaxeen.
- Waxay ahayd hal weyn oo uur leh, sidii ay codsadeen.
- Waxaa la faray in haldan uu leeyahay cabbid gaar ah maalmo, iyaguna aysan cabbin biyaha maalintaas. Quraanka ayaana lagu xusay arinkan [Suurah Shucara aayada 155]
Fal celinta Qoomkii Thamuud
In kasta oo mucjisadu ahayd mid cad oo la yaa leh, hddana qoomka Thamuud wxay sii wadenen caasini adooda iyo kibirkooda. Waxay go'aan sadeen inay boqon gooyaan hasha, wayna sameeyeen oo boqon gooyeen,Waxayna ku xad gudbeen amarka Eebbe. Dilka hasha wuxuu aha mucjiso ay ku soo jiiteen cadhada Eebbe.
Ciqaabta Qoomka Thamuud
Markii qoomkii Thamuud ay ku caasiyoobeen Nabi Saaleex (Calayhi Salaam) oo ay dileen hashi, Eebbe wuxuu ku soo dejiyey ciqaab daran. Waxay noqdeen kuwo lagu halaagay qaylo xoog leh oo jirkoda burburisay. Qur'aanka ayaa ciqaabtan lagu xusay (Suurah Hud aayadda:67)
Nabi Saaleex (Calayhi Salaam) iyo intii rumaysay ayaa kabadbaaday ciqaabtaas, balse qoomkii Thamuud way halaagsameen iyagoo u noqoneyso cibro dadka dambe
Casharda Laga Baranaayo Qisada Nabi Saaleex
1. Towxiidku Waa Badbaado: Qisada waxay tusaale u tahay in lacaabudo Eebbe oo kali ah, loogana mahad celiyo nimcooyinkiisa.
2. Mucjisadu Kuma Filna Caasiyiinta: Xitaa mucjisooyin cadcad mbadbaadiyaan qof aan qabigiisu ku toosnayn wadada Eebbe.
3. Cawaaqibka Kibirka iyo Gaadmada: Kibirka iyo gaadmada dadka oo lagu xad gudbo nimcada Eebbe waxay horseedaan halaag.
4. Dulqaadka Nabiyada:Nabi Saaleex (Clayhi Salaam) wuxu muujiyey dulqaad iyo xigmad xitaa markii uu l kulmay eedeen iyo caqabaad.
5 Cadaaladda Eebbe: Nimco kasta oo lagu faano waxa dba socda imticaan, waxaana lagu guuleysan kraa oo kaliya mahadnaqa iyo hoggaansanaanta Eebbe kor ahaaye.
Gunaanad
Qisada Nabi Saaleex (Calyhi Salaam) waa cibro qof kasta oo doonaayo kutoosnanta jidka Eebbe,dulqaad iyo sid loo maareeyo dhibaatooyink hanuuninta bulshada. Halgan adag ayuu ku dhex maray qoom diiddan xaqa. laakiin si dulqaad leh ayuu fariintiisa ugu gudbiyay. Waxaana qisadan ka baran karnaa muhiimada mahadnaqa, tawxiidka, iyo isku-dhiibka amarka Eebbe.
"Fariinta ugu weyn ee Nabi Saaleex (Calayhi Salaam) waa in twxiidka loo hogaansamo, kibirkana laga dheeraado si loo gaaro badbaadada adduun iyo tan aakhiraba"
0 Comments