LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Taariikh Nolaleedka Nabiga 8-aad ee 25-ka Nabiye Qur'aanka Lagu Shegay, Nabi Ismaaciil (Calayhi Salaam).











Nabi Ismaciil (Calyhi Salaam): Tusaale Hanuun, Dulqaad, iyo U Hogaansanaanta Eebbe

Hordhac 

Nabi Ismaacil (Calayhi Salaam) waa mid kamid ah nabiyada waaweyn ee Qur'aanka lagu xusay, oo loo yaqaan hanuuniyaha iyo qofka u hogaansamay amarka Eebbe. Wuxuu ka mid yahay ubadka baarakaysan ee Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam), isagoo astaan u ah sabarka, tawakalka, iyo ku dhaqanka hanuunka Eebbe, 

  

Nabi Ismaaciil (Calayhi Salaam) iyo Qisadii Allabariga

Qisada ugu caansan ee Nabi Ismaaciil (Calayhi Salaam) waa dhadadii tijaabadii ugu weyneyd ee uu Eebbe ku imtixaamay Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam). Ebbe wuxuu Nabi Ibraahim ku amray inuu wiilkiisa Ismaaciil (Calayhi Salaam) uu ku Alle baryo, taas oo ahayd tijaabo adag oo lagu fiiriyey sida ay ugu hogaansan yihiin  Eebbe. Qur'aanka ayaa ka waramay sheekadan:

"Markii uu garay da'da shaqada, wuxuu yidhi, 'wiilkaygoow, waxaan ku arkay riyo anigoo ku gawracaayo ee maxad ka qabtaa? Wuxuu ku yidhi Abbe samee waxa lagu faray waxaad iiheli doontaa anigo samar badan."(Suurah As-saaffat ayaah, 102)                                                                                                          

Markay Ibraahim iyo Ismaaciil isu diyaariyeen fulinta amarka Eebbe, ayaa loo gu badalay allabari kale oo barakaysan. 

(Suurah As-Saaffat aayah:107)                                                       

Dhacdadan waxay tusaale u tahay u hogaansanaanta buuxda ee amarka Eebbe iyo kalsoonida ay ku qabaan in Eebbe uu bixin doono abaalgud wanaagsan.

Nabi Ismaaciil iyo Dhismaha Xaramka

Markii Nabi Ibraahim (Calayhi Salaam) uu ku amray in uu Islaaciil (Calayhi Salaam) iyo hooyadiisa Hajara dajiyo Makka, deegaankas oo markii hore ahaa lama-degaan, waxay aasaas u noqotay magalada barakaysan ee makka. Ismaaciil (Calayhi Salaam) wuxuu door muhiim ah ku lahaa dhimaha Xaramka. Qur'aanka ayaa ka hadlay marki Nabi Ibraahim iyo Ismaaciil ay wada dhiseen Kacbada:

(Suurah Al-Baqra aayah, 127)

Dhismahaan wuxuu noqday astaan barakaysan oo ilaa manta lagu xasuusto isla markaana saldhig u ah dhaqanka Islaamka.

Nabi Ismaaciil: Tusaalaha Sabirka iyo Wanaagga Nabi Ismaaciil (Calayhi Salaam) waxaa lagu tilmaamay Qur'aanka inuu ahaa mid daacad ah, sabir badan, oo ballanka oofiya. Tilmaamahan ayaa mujinaa dabeecadihii wanaagsan ee uu ku suntanaa:

(Suurah Maryam aayah:54)

Waxaa sidoo kale lagu tilmaamay inuu ahaa qofka ehlkiisa ku booriyay salaadda iyo sadaqada, taaso muujinaysa sida uu u ahaa hogamiye akhlaaaq wanagsan leh:

"Wuxuu ahaa mid ehelkiisa ku amra salaadda iyo sadaqada, wuxuuna ahaa mid uu Rabbigiisu raali ka yahay." (Suurah Maryam, aayah 55)


Caharada Laga Baranaayo Qisada Nabi Ismaaciil (Calayhi Salaam)

1. U Hogaansanaanta Amarka Eebbe: Qisada allabariga waxay tusaale u tahay sida ay tahay in qofka rumaysan uu u hooggaansamo amarka Eebbe xitaa marka uu culus yahay

" Sabir, maxaa yeelay, Eebbe waa la jira kuwa sabra."(Surah Al-Anfaal: aayada 46)

2. Sabirka iyo Tawakalka: Nabi Ismaaciil wuxuu tusaale u yahay qof sabir leh oo ku kalson Eebbe, gaar ahaan intii uu ku noolaa deegaanka Makka oo aan lahayn biyo iyo baad markii hore.

3. Ballanka iyo Daacadnimada: Tilmaamaha Nabi Ismaaciil ee dacaadnimada iyo ballanka oofinta ayaa muujinaya muhiimada ay leedahay in lagu dhaqmo akhlaaq wanagsan.

4. Anshaxa iyo Hoggaaminta: Ismaaciil wuxuu ahaa tusaale hogaamiye wanaagsan, isagoo dadka ku          booriyay salaada, sadaqada, iyo cibaadada.

5. Wada-Shaqeynta Qoska: Qisada dhismaha Kacabada waxay tusaale u tahay sida wada-shaqaynta            qoska ee ku salaysan hanuunka iyo cibaadada ay u horseedi karto guul warta.

Gunanad

Nabi Ismaaciil (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa tusaale dhamaystiran oo ku saabsan sabirka, tawxiidka, iyo u hogaansanaanta amarka Eebbe. Doorarka uu ku lahaa dhismaha Kacbada, uu adeegidda ehelkiisa, iyo u istaagista xaqa waxay caddeeyen sida uu ugu dhagan yahay hanuunka. Casharrada laga barto qisadiisa waxay ku dhiirigelinayaan qof kasta inuu sabir u yeesho tijaabooyinka nolasha, kalsooni buuxdana ku qabo Eebbe.

Post a Comment

0 Comments