LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Taariikh nololeedka Nabi Dhul-Kifle (Calayhi Salaam)











Nabi Dhul-Kifle (Calayhi Salaam): Tusaale Sare oo Dulqaadka iyo Caddaaladda

Hordhac 

Nabi Dhul-Kifle  (Calayhi Salaam) wuxuu ka mid yahay nabiyada Qur'aanka lagu, inkastoo aan faahfaahin badan laga bixin taariikhdiisa. Magaciisa waxaa lagu xusay laba goobood oo Qur'aanka ah : suruudda Al-Anbiya iyo Suuradda Sad. Dhul-Kifle waxaa lagu yaqaanaa sifooyin sarreeya sida dulqaadka, caddaaladda, iyo ilaalinta ballamaha. Maqaalkaan ayaa ka hadli doona sifooinka iyo hanuunka laga baran karo nolosha Nabi Dhul-Kifle, isagoo tusaale u ah dadka Muslimiinta ah.

Nolasha Nabi Dhul-kifle  (Calayhi Salaam)

Magaca "Dhul-kifli" wuxuu kadhigan yahay qof qaata mas'uuliyad, taasoo muujinaysa inuu ahaa nabi u heellan inuu daboolo baahiya dadkiisa. Inkstoo aan si faahfaahsan loo ogeeyn taariikhd nololeedkisa, tilmaamaha Qur'aanka iyo axaadiista waxa ku soo arooray sifooyinka wanaagsan ee uu lahaa. Waxaa si gaar ah loo tilmaamay saddex sifo oo muhiim ah:

1. Dulqaad: Nabi Dhul-Kifl wuxu ahaa mid aad ugu dulqaata dhibaatooyinka iyo caqabadaha nolosha.

  "OO Xusa Ismaaciil, idriis iyo Dhul-Kifl; dhamaantood waxay ahaayeen kuwa samir badan. "(Suurah    Al-Anbiyaa aayadda: 85)

2. Caddaalad: Wuxuu ahaa hoggamiye si caddaalad ah u kala xukuma dadka, isagoo aan u kala eexan        qaraabo iyo shisheeye.

3. Xirfad Ilaaliye Ballamada: Waxaa lasheegaa inuu qaadi jiray mas'uuliyado adag, oo uu si buuxda uga      soo bixi jiray ballamaha uu qaado.

Dhul-Kifl iyo Sifada Ballan-ilaalinta

Nabi Dhul-Kefl waxaa lagu yaqaanay inuu ahaa qof qaada ballamo culus oo si dhamaystiran uga soo baxo. Waxaa laga baran karaa dhowr cashar oo muiim ah:

1. Ma'uuliyad Qaadida: Waxaa muhiim ah qofka Muslimka ah inuu si xilkasnimo leh u maareeyo             masuliyadda saaran, isagoo raacaya hanuunka Alle. 

2. Ilaalinta Caddaaladda: Hogaamiyaasha iyo dadka mas'uulka ah waa inay ka dheeraadaan wax kasta        oo keeni kara dulmi ama eex.

Qur'aanlka iyo Xuska Nabi Dhul-kifl (Calayhi Salaam) 

Waxaa la xusay sifooyinka Nabi Dhul-Kifl ee Qur'aanka ku jira:

1. Samirka iyo Caddaaladda:

  OO Xusa Ismaaciil, idriis iyo Dhul-Kifl; dhamaantood waxay ahaayeen kuwa samir badan. "(Suurah      Al-Anbiyaa aayadda: 85)

2. Abaalmarinta Wanaagsan ee Alle uu ka mutuystay:

  "OO xusa Ibraahim, Isxaaq, iyo Yacquub........... "(Suurah Saad aayda: 45)

  Casharada Laga Baran Karo

1. Dulqaadka iyo Adkeysiga:  Nabi Dhul-Kifl wuxuu tusale uyahay dulqaadka xilliyada adag. Waa in      Muslimiinta ay ka bartaan sida loola qabsado dhibaatooyinka iyagoo Alle talo saaranaya. 

2. Mas i'uuliyadda Caddaladda ah: Hogaamiye kaste waa inuu ahaada mid kamadax banaan eexda,      kana  shaqeeya danaha bulshada si cadaalad ku dheehan tahay.

3. Ballan-ilaalinta: Ummadda Muslimka ah waa inay noqoto umad dhawrta balamaha ay galaan, iyagoo  Alle ka baqanaya.

Gunaanad 

Nabi Dhul-Kifl (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa tusaale kudayasho mudan oo muujinaya dulqaad, iyo u adeegidda bulshada si daacadnimo leh. Inkastoo xogtiisa oo fahfaahsan aan si buuxada loo haynin Qur'aanku wuxuu xusay sifooyin muhiim ah oo ay tahay in Muslimiintu ku daydaan, sida samirka iyo masuuliyad qadashada. Tilmaamahan ayaa xoojineysa in qof kasta oo Muslim ah uu ku dedaalo inuu wanag sameeyo, cadaaladna ku dhaqmo, isagoo ku tiirsan Alle.

Nolosha Nabi Dhul-Kifl waxay na xasuusunaysaa muhiimada ah in dulqaadka iyo daaadnimada ay yihiin furaha guusha addunka iyo aakhiro. sidaa darteed, waa inaan ku dayannaa akhlaaqdiisa oo aan qaadannaa mas'uuliyada nagu soo wajahda anagoo Alle ku xiran.

"Kuwa samra iyo kuwa caddaaladda sameeya waxay heli doonaan abaal marin weyn oo Alle xagii oga timaadda."


Post a Comment

0 Comments