LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Taariikhda Nabi Luut (Calayhi Salaam).












Nabi Luut (Calayhi Salaam): Wacdiga, Digniinta, iyo Cibrooyinka Ka Dhalatay

Hordhac

Nabi Luut (Calayhi Salaam) waa mid kamid ah nebiyada Qur'aanka kariimka ah lagu xusay, oo loo soo diray qoom ku caan baxay dambiyo waawayn iyo dhaqan xumo. Qoomkiisa ayaa ku dhaqmay falal aan horay loo aragu arag umadihii hore, kuwaas oo ku salaysnaa isku tagida raga iyo kufsi, Nabi Luut waxa uu noqday mid u taagan inuu u digi una wacdiyo qomkiisa, isagoo u iftiiminaya cawaaqibta ka dhalan karta hab-dhaqankooda. Qisadiisa waxay utaagan tahay casharo waa wayn oo ku saabsan anshaxa, caddaaladda, iyo isku-dhiibka amarka Eebbe.

Qoomkii Luut: Dhaqan Xumada iyo Caasinimada Qoomkii Luut waxay kunoolaayeen magaalada Sodom iyo deegaanada ku dhow. Waxay ku caan baxeen dhaqan fool xun oo aan horay loogu arag bani'aadamka:

Arinkaana Qur'aanka ayaa lagu xusay (Suurah Al-A'raaf aayah:80-81)

Dhaqankooda ayaa ahaa mid ka baxsan xeerarka dabiiciga ah iyo anshaxa wanaagsan. Waxay u diideen fariinta Luut (CS), iyagoo ku faanay falalkooda. Waxay yiraahdeen:

Dhaqankooda ayaa ahaa mid kabaxsan xeerarka dabiiciga ah iyo anshax aan wanaagsanen. Waxay diideen fariintii Nabi Luut (Calayhi Salaam), iyagoo ku faanay falkooda. waxay yirahdeen.

۞ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُوٓا۟ أَخْرِجُوٓا۟ ءَالَ لُوطٍۢ مِّن قَرْيَتِكُمْ ۖ إِنَّهُمْ أُنَاسٌۭ يَتَطَهَّرُونَ ٥٦

Waxay dheheen, 'Soo bixiya Luut iyo ehelkiisa magaaladaada; waa dad iska dhawraya.'" 

Fariintii Nabi Luut (Calayhi Salaam): Wacdiga iyo Digniinta Nabi Luut (Calayhi Salaam) waaa uu isku dayay inuu qoomkiisa ugu yeero dariiqa saxda ah. Waxuu u sheegay inay iska daayaan falalka foosha xun oo ay ku laabtaan Eebbe. Qur'aanka ayaa xusay digniintiisa:

(Suurah Al-Ankaboot: 29)

Luutilmaantiisa wacdigiisa waxa ay ahayd mid ku salaysan toosin iyo xasuusin, laakiin qoomkii wuxuu ka diiday oo ku caasiyoobay. Waxay noqdeen kuwo kibir badan oo diida xaqa.

Ciqaabtii Eebbe: Halaagga Qoomka Luut 

Markii qoomkii Luut (Calayhi Salaam) ay diideen fariintiisa oo ay sii wadeen dhaqan xumadooda, Eebbe wuxuu ku soo dejiyey ciqaab daran. Waxaa loo so diray malaa'ig ku timid sawirka marti. Qur'aanka ayaa ka warrama:

(Suurah Huud: 77) 

Markii ay qoomkiisu isku dayeen inay waxyeelleeyaan martida, Eebbe wuxuu amray in Luut iyo ehelkiisa rumaysan ay ka baxaaan magaalada  Qur'aanka ayaa lagu xusay arinkaa:

(Suurah Huud aayada 81)

Ciqaabii qoomkii waxay ahayd mid cajiib ah oo cabsi badan:

  1. Magaaladooda ayaa lagu rogay.

  2. Waxaa dusha looga keenay roob dhagaxyo ah oo lagu calaamadeeyey kuwa dulmi sameeya.

Qur'aanka xusay arinkaa (Suurah Huud aayah: 82) 


Casharada Laga Baranaayo Qisada Nabi Luut (Calayhi Salaam)

  1. Cawaaqibka Dembiga: Qisada Nabi Luut waxay tusaale u tahay sida falalka foosha xun iyo caasinnimada ay u horseedaan halaag adduun iyo mid aakhiro.

  2.  Waajibaadka Nabiyada: Nabi Luut wuxuu tusaale u yahay sida nabiyada ay ugu sabraan inay fariinta xaqa gaarsiiyaan, xitaa marka laga hor imaado ama lagu caayo.

  3. Sharciyadda Anshaxa : Islaamku wuxuu aad uga digay falalka ka baxsan xeerka dabiiciga ah iyo anshaxa, isagoo ku boorrinaayo dadka inay racaan dariiqa toosan.

  4. Badbaadada Rumaystayaasha : Sidan ku'aragnay qisada Eebbe wuxuu badbaadiya kuwa isaga rumaysan oo u hogansama amarkiisa, xitaa marka ay dhibaato kujiraan.

  5. Badbaadada Rumaystayaasha: Sida lagu arkay qisada, Eebbe wuxuu badbaadiyaa kuwa isaga rumaysan oo u hogaansama amarkiisa, xitaa marka ay dhibaato ku jiraan.

     Hadalka Eebbe, "waxaan badbaadinay isaga iyo ehelkiisa, marka laga reebo naagtiisa oo kamid ahayd kuwa halaagsamay" (Suurah AlA'raaf aayah:83)


Gunaanad

Qisada Nabi Luut (Calayhi Salaam) waa mid leh casharro muhiim ah oo ku saabsan ansaxa, u hoggaansanaanta Eebbe, iyo dhibaatada kibirka iyo caasinimada. Waxay ina baraysaa in qofka rumaysan uu sabir iyo adkaysi u yeesho dacwada xaqa, xitaa marka laga hor yimaado. Waxaa sido kale inoo muuqda in Eebbe uu caddaaladdiisa soo bandhigo, isagoo halaaga dulmi-samayaasha halka uu badbaadiyo kuwa xaqa ku tosan.


Post a Comment

0 Comments