Nabi Isxaaq (Calayhi Salaam): Tusaale Hanauun, Barako, iyo Dhaxal Diimeed
Hordhac
Nabi Isxaaq (Calayhi Salaam) waa ka mid ah nabiyada barakaysane Qur'aanka lagu xusay. W uxuu ahaa wiilka Nabi Ibraahiim (Calayhi Salaam ee ay dhashay saarah, isagoo astaan u ah barakada iyo samirka. Qur'aanka iyo axaadiista waxay xusayaan doorkisa ku aaddan hanuunka iyo sida uu u sii watay halgankii diineed ee uu aabihiis bilaabay. Maqaalkan wuxuu ka hadli doonaa taariikhdiisa, sifoyinkiisa diimeed, iyo asharro waaweyn oo laga baran karo.
Nabi Isxaaq (Calayhi Salaam) iyo Qisadiisa Qur'aanka
Qur'aanka wuxuu si cad u tilmaamayaa barakada Nabi Isxaaq iyo farxaddii lagu dhawaqay dhalashadiisa. Markii Nabi Ibraahin (Calayhi Salaam) iyo saarah ay duceeyeen muddo dheer, Eebbe ayaa ugu bishaareeyay wiil barakaysan. Qur'aanka ayaa xusay arinka;
Suurah As-Saaffat aayah, 112)
Markii ay fariintan barakaysan timid, Saarah way layaab tay da'deeda, laakiin Eebbe wuxuu ku cadeyay in aysan awoodiisu xadidneen silamid ah qur'aanka ayaa kawaramay arinkaa:
(Suurah Huud aayadda, 72)
Sidoo kale, Nabi Isxaaq ayaa loo ballan qaaday in uu noqon doono mid dhaxla barakada reer Ibraahin, isagoo saldhig u ah farac suuban oo qaadi doona hanuunka iyo wadada toosan.
Nabi ISxaaq: Tilmaamaha iyo Doorka diinta
Nabi Isxaaq (Calayhi Salaam) wuxuu caan ku ahaa sifooyin badan oo wanaagsan, kuwaas oo diiradda saarayay hanuunka iyo hoggaaminta dadka uu xiligooda noola:
1. Nabi iyo Hanuuniye: Qur'aanka ayaa caddeeyay inuu ahaa Nabi suuban oo ku shaqeeyay hawsha gaarsiinta fariinta Eebbe.
"Waxaan ka dhignay faraca Ibraahin kuwo Anbiyo ah, oo waxaan siinay kitaab iyo xigmad." (Suurah Al- Ankabut, aayah 27)
2. Barako iyo Nabad : Nabi Isxaaq wuxuu ahaa mid lagu tilmaamay barako iyo mid ka tarjumaya xasiloonida iyo nabada.
"(Suurah As-Saaffat, aayah: 113)
3. Ku Dadaalida Samirka iyo Cibaadada: Nabi Isxaaq wuxu ahaa tusaale ku dayasho mudan oo ku suntanaa dulqaadka iyo ku adkaysiga xaqa.
Casharada Laga baran Karo Qisada Nabi Isxaaq (Calayhi Salaam)
1. Kalsoonida Awoodda Eebbe: Dhalasha Nabi Isxaaq (Calayhi Salaam) oo ka timid waalid duq ah waxay tusaale u tahay awoodda aan xadidnayn ee Eebbe. Casharkaan wuxuu xoojinayaa in Alle uu wax walba uu samayn karo waqti kasta.
2. Dulqaadka iyo Ducada: Nabi Ibraahim iyo Saarah waxay muddo dheer u samreen ducadooda ku aaddan helitaanka wiil barakaysan. Samirkooda wuxuu tusaale u yahay muhiimadda dulqaadka marka wax la rajaynayo.
4. Ka faa'idaysiga Fursadaha Hanauuuninta: Nabi Isxaaq wuxuu sii watay halgankii abihiis ee ku aaddanaa gaarsiinta bulshada fariinta Alle, taaso muujinaysa muhiimadda isku xirka jiilasha ee ku salaysan diinta.
Gunaanad
Nabi Isxaaq (Calayhi Salaam) waa tusaale muqda oo ka turjumaya barakada, hanuunka, iyo u hoggaansanaanta amarka Alle. Tilmaamaha uu leeyahay, sida samirka, cibaadada, iyo hoggaaminta diimeed, waxay asataan u yihiin nabiga suuban ee qaadi kara dhaxalka toosan. Casharrada laga barto qisadadiisa waxay ku dhiirigalinayaan qof kasta inuu yeesho dulqaad iyo kalsooni buuxda oo ku aaddan awodda Alle.
"Nabi Isxaaq (Calayhi Salaam) waa tusaale waara oo mujinaya muhiimadda sabirka, ducada, iyo ku dhaqanka hanuunka Alle.
0 Comments