LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Taariikhda Nabiga 19-aad ee 25-ta Nabiyee Qur'aanka lagu xusay Nabi Ilyaas (Calayhi Salaam)











Qisada Nabi Ilyaas (Calayhi Salaam): Halyeeygii Tawxiidka iyo Halgankiisii Shirkiga

Hordhac

Nabi Ilyaas (Calayhi Salaam) wuxuu ka mid ahaa nabiyada Alle ee loo soo diray in ay dadkooda ku waaniyan ku dhaqanka xaqa iyo cibaadada Alle oo kali ah. Qisadiisa Qur'aanka Kariimka ah ku xusan ayaa tusaale wanaagsan u ah halganka uu qofka mu'minka ah ugu bahaan yahay inuu ku sii hayso diinta  Alle, inkastoo uu wajahayo caqabado badan oo uga imaanayay bulshada ku hareeraysan. Nabi Ilyaas  (Calayhi Salaam) wuxuu si cad ugu yeeray qoomkiisa, isagoo ka digaya  khatarta shirkiga oo ah danbi weyn oo la'isku halaago laguna mutaysto ciqaabta Alle.

Xaaladda Qoomka Nabi Ilyaas (Calayhi Salaam) 

Nabi Ilyaas waxaa loo diray qoom la sheegay inay ku sugnaaayeen magaalada Ba'albak ee dhulka shaam. Waxay caabudi jireen sanab weeyn oo loo yiqiin Ba'al,' oo ay u haysteen inuu yahay ilaah awood leh oo ukeeni karo barako iyo badbaado. Waxay ku sifoobeen ku adkaysiga shirki, iyadoo aysan dhagaysan fariimaha nabiyada Alle u soo diray.

Nabi Ilyaas (Calayhi Salaam) wuxuu fariintisa ku billaabay  xasuusin iyo su'aalo hufan oo toos u taabanaya caqliga iyo diinta dadka isagoo ku yiri:

" Miyaadan Alle ka dhawrsaneen ?  oo maxaad caabudaysaan Ba'la, (Sanab)...... (Suurah As-Saafaat aayaddaha, 124-125)

Wuxuu si cad ugu yeeray caabudida Alle oo kali ah, abuuraha samada, dhulka, iyo waxa u dhexeeya.

Halganka Nabi Ilyaas (Calayhi Salaam)

Nabi Ilyaas (Calayhi Salaam) wuxuu dadaal joogto ah ugu jiray inuu qoomkiisa ka leexiyo dariiqa khaldan ee ay ku sugnaayen, isagoo xasuusinayay wanaagga Alle iyo halista ciqaabtiisa. Inkastoo uu soo bandhigay daliilo cad cad iyo fariimo Alle dhankiisa kayimid, badankooda waxay iska indha tireen xaqa. wayna ku caasiyobeen fariimtisa, ayagoo ku sii adkaystay caqiidadoda sanam caabudidda.

Ciqaabtii Qoomka Nabi Ilyaas (Calayhi Salaam) 

Markii ay qoomka Nabi Ilyaas ku sii adkaysteen gaalnimadooda iyo caasinimada, Alle wuxuu ku soo dejiyay ciqaab adag. Waxaa ku habsatay abaar daran iyo dhibaatooyin waaweyn oo muujinaya sida Alle uga caroodey falalkooda. Ciqaabtaasi waxay ahayd digniin si ay uga soo noqdaan dariiqa Alle, balse intooda badan ma aysan ka waantoobin waxayaabaha ay ku sugnaayeen.

Badbaadadii Nabi Ilyaas iyo Mu'miniinta

Inkasta oo qoomka badankood ay diideen fariint Nabi Ilyaas (Calayhi Salaam), koox yar oo rumaysay fariintiisa ayaa noqatay kuwa badbaaday. Qur'aanka Kariimka ah wuxuu si gaar ah u sharfay Nabi Ilyaas iyo kuwa raacay, (Suuradda As-Saafaat aayaddaha 129-130)

Ayadahan waxay muujinayan qiimaha ay leeyihiin kuwa xaqa raac iyo sharafta uu Alle u siiyo nabiyada iyo mu'miniinta.

Casharada Laga Baranaayo Qisada Nabi Ilyaas (Calayhi Salaam) 

1. Ku adkaysiga Xaqa: Qisada Nabi Ilyaas waxay mujinaysaa sida qofka mu'minka ah uu ugu baahanyahay inuu ku adkaysto xaqa xitaa marka uu la kulmo diidmo iyo caqabaad waaweyn.

2. Halista Shirkiga: Shirkiga iyo ku caasinta Alle waxay sababaan ciqaabta Alle adduun iyo aakhiraba.

3. Digniinta Alle: Markii qoomka Nabi Ilyaas ku caasiyoobeen, Alle wuxuu usoo diray ciqaab digniin ah, taaso muujinaysa naxariista Alle.

Qiimaha Mu'miniinta: Kuwa raaca fariinta Alle waxaa lagu sharfi adduun iyo aakhiraba, sida Nabi Ilyaas iyo kooxdii yareyd ee racday loo sharfay. 

Gunaanad

Qisada Nabi Ilyaas  (Calayhi Salaam) waa tusaale muujinaya geesinimada iyo ku kalsoonaanta Alle ee qof mu'min ah uu u baahan yahay xilli kasta. Dadaalkiisa ku aaddan in uu qoomkiisa ku soo celiyo dariiqa Alle wuxuu astaan u yahay sida nabiyada ay u yihiin tusaalayaal naxariis, sabir, iyo dulqaad. Nabi Ilyaas wuxuu ina xasuusinayaa in xaqa iyo tawxiidka Alle ay yihiin dariiqa kaliya ee badbaadada, halka shirkiga iyo gaalnimadu ay u horseedaan halaag. Qisadiisa waa cashar qoto dheer oo ka hadlaya muhiimadda loo huraayo naf, maal, iyo maskaxba si loo sugo iftiinta diintaAlle.

Post a Comment

0 Comments