Nabi Shucayb (Calayhi Salaam): Tusaalaha Xaqnimada iyo Ganasiga cadaalada Ah
Hordhac
Nabi Shucayb (Calayhi Salaam) wuxuu ka mid yahay nabiyada barakaysan ee Alle u soo diray ummadaha si ay ugu hanuunaan jidka toosan. Taariikhdiisa Qur'aanka kuxusan waxay si qoto dheer u muujineysaa sida uu u ahaa hogaamie ku dayasho mudan, gaar ahaan xagga cadaaladda, ganacsiga, iyo ilaalinta xaqa. waxaa lagu xusay Suuradaha kala duwan ee Qur'aanka sida Suuradda Al-Acraaf, Suuradda Huud iyo suuradda shucaraa, taaso kadhigaysa sheekadiisa mid muhiim ah oo hodan ku ah casharro waaweyn. Maqaalkan wuxuu si faahfahsan u soo bandhigi doonaa sheekada Nabi Shucayb, tilmaamaha diimeed, iyo casharro laga baran karo.
Nabi Shucayb (Calayhi Salaam) iyo Ummaddiisa
Nabi Shucayb (Calayhi Salaam) wuxuu ku noola magaalada Madyan oo ahayd meeluu ka jiray dhaqan aan caddaalad lahayn, gaar ahaan xagga gamacsiga iyo miisanka. Ummaddiisu waxay ku caan baxeen:
1. Khiyaanada Miisaanka iyo Qiyaasta: Waxay ku dhaqmi jireen dhoyo iyo miisaanno aan sax ahayn oo ganacsiga ah
"Ofiya beega iyo miizaanka, hana nusqaaminina dadka ashyaadooda, dhulkana hafasahadinina islaxa dabadii. (Suurah Al-Acraaf aayadda, 85)
Tilmaamaha Nabi Shucayb (Calayhi Salaam): Ku Dayasho Wanaagsan
1. Caddaaladda iyo Xaqdhawrka: Nabi Shucayb wuxuu si wayn ugu baraarujiyay ummadiisa inay ganacsiga ku dhaqmaan si cadaalad leh, iyagoo ka fogaanaya qiyaano wax isdaba-marin.
2. Samirka iyo Dulqaadka: Inkastoo ummadiisa ay si isdaba joog ah oga horimaanayeen fariintis, wuxuu muujiyay dulqaad iyo sabir isagoo Alle ku tiirsan.
(Suurah Hud aayada:88)
3. Cibaado Jogto Ah: Wuxuu ahaa nabi u heellan cibaadada Alle, isagoo mar walba ku boorinayay dadka inay la xiriiran Rabbigood oo u kaliyeystaan cibaadada.
4. Isku Xirka Diinta iyo Ganacsiga: Nabi Shucayb wuxuu muujiyay in dhaqaalaha iyo ganacsiga aysan ka madax banaaneyn diinta, islamrkaana ay mujiim tahay in lagu dhaqmo hanuunka Alle si loo gaaro barako.
Dhibaatadii Ummadda Nabi Shucayb
Umaddii Nabi Shucayb waxay diideen fariintiisa, waxayna sii wadeen dhaqankoodi xumaanta iyo dulmiga. Inkastoo uu si joogto aha ugu nasteexenayy inay Alle u noqdaan, kibirka iyo fasaaadka ayaa sabab unoqday in cadaab Alle ku dhacdo. Qur'aanka ayaa ka hadlay sida ay u noqdeen kuwo lagu halaagay gariir xooggan.
(Surah Al-Acraaf aayadda: 91)
Casharada Laga Baran karo Nabi Shucay (Calayhi Salaam)
1. Cadaaladda Ganacsiga: Sheekada Nabi Shucayb waxay baraarujinaysa muhiimada cibaadada iyo daacadnimada xagga dhaqaalaha iyo ganacsiga. Musliminta waa inay mar walba xaq dhowraan.
Gunaanad
Nabi Shucayb (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa hogaamiye diimeed oo ku dayasho mudan, gaar ahaan xagga cadaalada iyo ku dhaqanka ganacsiga xaqa ah. Sheekadiisa Qur'aanka ku xusan waxay hagtaa Muslimiinta maanta si ay u noqdaan kuwo ilaalinaya xaqa, dulqaadk, iyo cibaadada joogtada ah. Waxay sidoo kale xoojineysaa in la isku xiro diinta iyo dhaqaalaha, pagana fogaado fasaadka.
"Sheekada Nabi Shucayb waxay tusaale cajiib ah u tahay Muslimiinta, iyadoo muujinaysa in cadaaladdu ay tahay furaha barwaaqada addunka iyo aakhiro.
0 Comments