LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Taariikhda Nolaleedka Nabi Ayuub (Calayhi Salaam) .












Nabi Ayuub (Calayhi Salaam): Tusaalaha Dulqaadka iyo Cibaadada Joogtada Ah

Hordhac

Nabi Ayuub (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa nabi lagu tilmaamay dulqaad iyo adkaysi aan caadi ahayn oo ka turjunta sida qof mu'min ah  uu ugu sabri karo dhibaatooyinka noolasha. Taariikhadiisa, oo ku xusun Qur'aanka Kariimka ah, waa mid dhirigalinaysa Muslimiinta inay ku kalsoonaadan Alle (SWT) xitaa marka ay lakulmaan imtixaan adag. Maqaalkan wuxuu iftiimin doonaa taariikhiisa, dhibaatoyinkii uu la kulmay, iyo casharrada qiimaha leh ee laga baran karo.

Nabi Ayuub (Calayhi Salaam) ee Qur'aanka Kariimka

Nabi Ayuub waa nabi Alle siiyay barwaaqo, caafimaad, iyo qoyskiisa ka hor intaanan lagu imtixaanin sabar. Qur'aanka Kariimka ayaa si kooban u tilmaamay noloshiisa iyo dulqaadkiisa. Alle ayaa kawaramay arinka: (Suuradda Saad aayada: 44)

Qisada Nabi Ayuub waxay u qaybsantaa dhowr marxaladood oo muhiim ah:

1. Barwaaqada iyo Nolosha Farxadda Leh: Nabi Ayuub wuxuu lahaa xolo badan, qoskiisa, iyo barako  Alle uga yimid, taaso ahayd imtixaan hore. 

2. Tijaabadii Adkeyd: Imtixaankii ugu weynaa wuxuu ahaa markuu waayay caafimaadkisa, hantidisa,   iyo qaar ka mid ah qoyskiisa, asagana waxaa haleelay xanuun aad udaran oo garsiyay inuu jirkiisa ku dhasho dixiri, taasoo keentay dhamaan dadkii udhawa in ay kafogaadan oo ay is yiraahdeen yuusan inku ridan xanuunkan darane uu qabo xaaskiisa oo qurana ku soo hartay, dadkii magalada ayaa kuyiri magaalada nooga bax yuusan na'asiibin xanunkaadee wuuna isgaga baxay isaga iyo xaaskiisa waxayna geesay geed hoostii, halkaabuu mudo 18 sanno ah yaalay halkaa xaaskisana ku quudin jirtay geedka hostiisa, ayadoo usoo shaqayn jirtay dadwoyga si ay uhesho lacagay ugu soo iibiso cuno, ilaa markii danbe ay da'a noqotay dadkiina iska diideen inay ushaqayso waxana lasheega markay waday waxay siiso, inay bilowday inay timaheeda kasamaydo tidac sidana ku iibiso cunana ugu soo gaddo, Nabigana waydiiyay dhowr mar meshay kakeentay cunaddan waa ayadii loo diiday shaqadee ayaduna way kagaabsatay shegideda, ugu danbayntii ayay usheegtay inay tinteda tidacdo, arinkana way murug galisay Nabi Ayuub (Calayhi Salaam).

3. mid kamid ah oraahyihii damqiyay: Nabi Ayuub  (Calyhi Salaam), laba nino kamid ah ehelkiisa oo mar mar kusoo booqan jiray geedka, ayaa malin dushiisa ku shekaystay ayagoo mid kamida yidhi, waxaan umalaynaya ayuub inuu galay danbi wayn intano dhani laguma eegteen xanuunke.

4. Sbar iyo Tukasho Joogto Ah: Xitaa isagoo la kulmay xaalado adag, Nabi Ayuub wuxuu sii waday inuu Alle baryo isagoo leh

"Gortuu udhawaqay ayuub rabigii oo uu ku yiri, Rabiyoow dhib ayaa itaabtay , adigune waxaad tahay kuwa naxariista midka ugu naxariista badane rabiyow iga dul qaad, (Suurah Al-Anbiya aayah, 83)

Guusha iyo Soo-kabashada: Alle wuxuu ka aqbalay ducadiisii, oo u soo celiyay caafimaadkiisa, qoskiisa, iyo barwaaqadii, isagoo ku abaalmariyay dulqaadka uu mujiyay.                                                                                                                                                                                                                 Dulqaadka Nabi Ayuub iyo Tilmaamaha Muhiimka ah                                                                       

 Nabi Ayuub wuxuu mar walba ku tiirsanaa Alle, xitaa marka uu la kulmay xaalado aad u adag. Taasoo katurjumaysa sida ay muhiim u tahay in qofka Muslimka ahi uu u aamino in imtixaan kasta oo uu lakulmo yahay qayb kamid ah qadarka Alle.

Casharada Laga Baran Karo Nabi Ayuub  (Calayhi Salaam) 

1. Sabar iyo Ku Tiirsananta Alle: Sheekada Nabi Ayuub waxay ina baraysaa in dulqaadku yahay furaha badbaadada marka lala kulmo tijaaboyinka nolosha.

2. Qadarka iyo Aqbalidda Imtixaanka; Muslimiintu waa inay ogaadaan tijaabooyinka Alle ay yihiin wadoyinka lagu hormariyo iimaanka iyo naxariista Eebbe.

3. Naxariista Alle: tusaalaha Nabi Ayuub (Calayhi Salaam) wuxuu muujinaya sida Alle ugu abaalmariyo addoomihiisa sabarka badan.

4. Cibaado iyo Isku-xirka Alle: Xaalad kasta oo qofku ku jiro, cibaadada jooogtada ah waa mid keenaysa hanuun iyo guul.

Gunaanad

Nabi Ayuub (Calayhi Salaam) waa tusaale sare oo muujinaya sida qofka muslimka ahi ugu dulqaadan karo tijaabooyinka, ugu sabri karo qadarka, ugana tiirsanaan karo Alle. Qisadiisa ur'aanka ku xusan waxay ku dhiiri galinaysaa qof kasta inuu aamino in dhib kasta uu leeyahay xal iyo in barakooyinka Alle ay ka weyn yihiin caqabadaha nolosha.


Post a Comment

0 Comments