Nabi Huud (Calayhi Salaam): Hoggaamiyaha Qoomka Caad iyo Tusaalaha Tawiidka
Hordhac
Nabi Huud (Calayhi Salaam) waa mid kamid ah nebiyada Qur’aanka
lagu xusay, oo loo soo diray qoomkii Caad, kuwaas oo ku faanay xoogooda iyo
nimcada eebe siiyey. Sheekadiisu waa mid ka mid ah qisaska muhiimka ah ee
Qur’aanka, taasoo katurjumayso ujeedka dacwada nabiyada, sida twaxidka,
caddaalada iyo iku-dhiibka amarka Eebbe. Maqaalkan waxaa uu si qoto dheer u
eegaya qisada nabi huud, dabeecadaha qoomkiisa, fariinta uu la yimid, iyo
casharrada laga baran karo.
Qomka Caad: Xog iyo Kibir
Qoomkii Caad waxa ay
ku noolaayeen dhul barwaaqo ah oo loo yaqaan Al-ahqaaf(deegaanka buuraleyd iyo
saxaraha). Waxay ahaayeen dad xoog leh oo ku faanay dhismayaashooda waaweyn iyo
awooddooda dagaal. Waxay yirahdeen: “Yaa naga xoog badan ?” (Surah fusilat aayadda
,15)
Iyagoo ku dhaqan kibir iyo gaalnimo, waxay iska indha tireen nicmada
Eebbe siiyay, waxayna caabudi jireen sanamyo, waxay noqdeen qoom ka bxay
xeerarkii hanuunka, taas oo sababtay in Nabi Huud loo soo diray si uu ugu yeero
in ay ku noqdaan Eebbe.
Fariinta Nabi Huud (Calayhi
Salaam): Towxiidka iyo Akhlaaqda Wanaagsan
Nabi Huud (Calyhi Salaam) waxa uu fariintiisa ku bilabay isagoo
ugu yeeray qoomkiisa in ay ka tagaan caabudidda sanamyada oo ay u soo noqdaan
Eebbe oo kali ah:
“Qoomkaygiiyow, caabuda Eebbe. Ilaah aan isaga ahayn ma
lihidine.” (Surah Huud:50)
Wuxuu uga digay cawaaqibka xun ee kibirka iyo faanka. Isagoo dulqaad
iyo degenaasho leh, wuxu ku waaniyay inay ka faa’ideestaan nimcada Eebbe siiyey
oo aysan noqon kuwo nimcadaas ku kufriya.
Jawaabta Qoomkii Caad
Qoonkii Caad waxay ka diideen Nabi Huud (Calyhi Salaam) iyagoo
ku eedeeyey in uu donaayo inuu ka faa’ideesto hoggaanka bulshada uu uhaayo ama
uu waalan yahay. Waxay ku jawaabeen
“huudoow ma’aadan noo keenin wax cadayn ah, kamana tagayno
ilahyada nada adiga hadalkaga, kumana rumaysnin adiga.(Surah huud aayada 53).
Iyagoo iska indha tiray fariintiisa, waxayna sii wadeen iany ku
faanaan xoogooda iyo dhismahayashahooda xooggan.
Cadaalada Eebbe: Halaagga Qoomka
Caad
Markii qoomkii Caad ay sii wadeen kibirkooda oo ay diideen
fariinta Huud (Calayhi Salaam), Eebbe wuxuu ku soo dejiyey ciqaab daran. Waxa
lagu ciqaabay dabaylo daran oo socday muddo toddoba maalmood ah iyo sided habeen:
(Suurah Al-xaaq aayadda 6-7)
Qoomkii kibirka badnaa waxay noqdeen kuwo dhamaaday oo aan raad
ka harin. Nabi Huud (Calyhi Salaam) iyo inta rumaysay oo qura kabad baaday
ciqaabtaas.
Casharrada Laga Baranaayo
Qisada Nabi Huud
Tawxiidka Waa Asaaska nolasha: Fariin Huud waxay ifitiisay muhiimadda caabudda Eebbe oo keli ah, iyadoo
la iska dhaafayo caabudidda wax aan faa’iido lahayn. 1.Dhibaatada Kibirku Leeahay: kibirka iyo faanka badan waxay horseedaan halaag. Qoomkii Caad
waxay ku faanen xooggooda iyo maalqabeennimadooda, hasa yeeshe taasi manoqon
mid bad baadiso ayaga, 2. Dulqaadka iyo Xishoodka
Nabiyada: Nabi Huud wuxuu muujiyey
dulqaad iyo xikmd xitaa marka qoomkiisu caayen oo diideen,
3. Caddaalada Eebbe: Nimcada Eebbe hadaan lamahdin oo lagu kibro waxaa imanaya
ciqaab culus oo waarta.
Gunaanad
Nabi Huud (Calyhi
Salaam) waa tusaale ku habboon qof kasta oo doonaya inuu barto dulqaadka,
hanuunka, iyo muhiimadda xaqa. Qisadiisu waxay iftiimisay halganka nabiyada ay
la kulmaan marka ay dacwadooda gudbinayaan iyo sida ay ugu adkaystaan inay xaqa
gudbiyaan iyagoo ku kalsoon Eebbe. Haddii aynu ka cibro qadanno qisada Huud
(Calyhi Salaam) waxay inugu dhiiri galinaysaa inaan iska ilaalino kibirka, nimcada
Eebbe, ugana macad naqno galladiisa si aan u badbaadno.
“Casharka ugu weyn ee aan
ka barannayno qisada Nabi Huud waa: Tawxiidka oo nolasha lagu hogaamiyo iska
ilaalinta kibirka, wana jidka badbaadada ee bani’aadamka oo dhani.”
0 Comments