“Nabi Idiriis (Calayhi Salaam):
Xikmad, Cibaado, iyo Derajada Saree e Alle ku Galladay”
Nabi Idriis (Calayhi Salaam) wuxuu ahaa Nabi ka mid ah Anbiyada
Alle ugu soo diray bini’aadamka, isagoo ah Nabi ka tirsan kuwii ugu horreeyay
ee taariikhda islaamka. Waa mid ka mid ah 25 Nabi ee Qur’aanka lagu xusay,
wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka Alle ku amaanay sabarka, aqoomtiisa, iyo
cibaadadiisa, Maqaalkaan waxaa dul mar kusameeyn doona nolashiisa,
hanuunintiis, iyo dabcigiisa.
Asalka iyo Taariikhda Nabi Idriis
(Calayhi Salaam)
Nabi Idriis waxaa la rumaysan yahay inuu ka soo jeday faracii
Nabi Aadam (Calayhi Salaam) iyada oo ay u dhexeyso jiilal yar. Magaciisa
Qur’aanka waxaa lagu sheegay laba jeer oo kala ah
·
1. Suuradda Maryam aayada 56):
·
وَٱذْكُرْ فِى ٱلْكِتَـٰبِ إِدْرِيسَ ۚ إِنَّهُۥ
كَانَ صِدِّيقًۭا نَّبِيًّۭا ٥٦
·
2. Suuradda Al anbiyaa aayada 85)
·
وَإِسْمَـٰعِيلَ وَإِدْرِيسَ وَذَا ٱلْكِفْلِ ۖ
كُلٌّۭ مِّنَ ٱلصَّـٰبِرِينَ ٨٥
Nolasha Nabi Idriis (Calayhi
Salaam)
Nabi Idriis wuxuu ahaa qof aad ugu dhow Alle, cibaado bandanna
sameeya. Waxaa uu ahaa mid lagu yaqaan aqoon iyo xikmad, wuxuuna dadka u ahaa
tusaale wanaagsan oo hanuuniye ah. Sida laga soo wariyay, wuxuu ahaa qofkii ugu
horreeyay ee:
·
Isticmaala qalinka oo wax ku qora.
·
Bilaaba daraasadda xiddigiska iyo xisaabta.
·
Baro dadka xirfadaha nolasha, sida dhoofinta iyo dirista dhar.
Wacyigalintiisa iyo Dacwadii uu
Gudanaayay
Nabi Idriis (Calayhi Salaam) wuxuu dadka ugu yeeray Alle inay
caabudaan oo kaliya, kana fogaadan danbi iyo fasahaad. Waxa uu ku dadaalay inuu
dadka baro cilmiga iyo xikmada si ay u hagaajiyaan nolashooda addun iyo tan
aakhiraba. Wuxuu tusaale u ahaa qof ku samray caqabadaha uu kala kulmay
dacwadiisa, isagoo mar walba ku tiirsan Alle.
sifooyinkiisa Gaarka ak
1. cibaado Badan: Wuxuu caan ku ahaa salaadaha faraha badan iyo ducada joogtada ah.
2. Xigmad: Alle
wuxuu ku galladay aqoon aad u sareysa oo uu dadka ugu adeegay.
3. sabar: Waxa uu
ahaa mid sabar u leh dhibaatooyinka uu la kulmo.
4. Sharafta Sare: Sida Qur’aanka ku xusan, Alle wuxuu
Nabi Idriis ku abaalmariyay derejo sare, taasoo ka mid tahay sharafta uu
leeyahay.
Dhimashada Nabi Idriis (Calayhi
Salaam) Waxaa la sheegay inuu yahay mid mid dadka fara
kutiriska ah ee aan caadi udhiman . Sida laga soo xigtay axaadiis iyo qisaska
Islaamka, malaa’igta ayaa kor uqaaday Nabi Idriis si uu Alle ugu dhowaan lahaa,
waxana uu ku dhintay circa isaga oo si sharaf leh loo qaabilay.
Dulucda iyo Casharka Laga
Baranayo
Nolasha Nabi Idriis (Calayhi Salaam) waxa ina tusaysaa muhiimada
cibaadada, aqoonta, iyo sabarka. Waxaa uu tusaale u yahay hoggaamiye cibaado
badan oo Alle ku abuuray xigmad wax tar dadkiisa u leh. Casharka ugu wayn ee
laga baranaayo waa:
·
In aqoonta iyo Alle ka cabsiga laga dhaxlo nolal suubani.
·
In sabarka lagu kasbado darajo sare Alle agtiisa.
·
In waajibka dacwada iyo toosinta bulshada laga fgeeyo caajiska
iyo dib udhaca.
Gunaanad
Nabi Idriis (Calayhi Salaam) wuxu ahaa Nabi Alle u doortay inuu
dadka tuso jidka toosan. Nolashiisu waa hal-ku-dhig ku dhisan isku dheelitirka
cibaadada, aqoonta, iyo hormarinta bulshada. Waxa uu tusaale fiican u yahay
qofka raadiya aqoon iyo Alle u dhowaan si uu u gaaro liiban addun iyo mid
aakhiro labaduba.
Cilmiga iyo cibaadada uu sameeyay Nabi Idriis (Calayhi Salaam)
waxay ino tahay dhaxal ruuxi ah oo ay tahay inaan qaadano oo ku dabaqno nolahseena
si aan ula kulanno barwaaqo Alle agtiisa.
0 Comments